Ujadada Safar Uu Madaxweyne Siilaanyo Ugu Kicitimay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Saaxil + Sawirro

Berbera (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeday Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxiil.
DSC_0033
Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa degmada Xamaas oo ilaa 40Km u jirta Magaalada Berbera waxa uu u tagay xadhig ka jarista Jidka isku xidha Hargeysa ilaa Berbera oo qaybo ka mid ah lagu sameeyay dayactir iyo dhagax dhigista wejiga labaad oo ah Degmada Xamaas ilaa Berbera, iyadoo intaas ka dibna dib u dhis lagu samaynayo qaybo ka mid ah Sheekh iyo Berbera jidka isku xidha.
DSC_0029
Madaxweynaha Somaliland ayaan gaadhin Magaaladda Berbera, balse waxa uu ka qayb-galay Munaasibad kooban oo lagu dhagax dhigayay dayactirka jidkaasi. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Waddooyinku muhiim u yihiin isgaadhsiinta iyo isu socodka waddanka “Aad iyo aad ayay muhiim iigu tahay inaan maanta ka soo qayb galo furitaanka waddadan Muhiimka ah, Isgaadhsiintu aad iyo aad ayay kaalin weyn uga ciyaartaa horumarka iyo dhaqaalaha Somaliland, Dawladda aan Madaxda ka ahayn qiimo weyn ayay siinaysaa Arintaasi mar walba, waayo? waxaanu ognahay ahmiyada ay u leedahay dhaqaalaha. waxaan jecelahay inaan Mahadnaq balaadhan u soo jeediyo cid kasta oo naga maal galisay, iyo cid kasta oo wax naga tartay, diyaar ayaanuna nahay wixii horumarka iyo isgaadhsiinta wax u taraya inaanu gacan buuxda ka gaysano” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
DSC_0036
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Jidka xadhiga laga jaray dayactir tayo leh lagu sameeyay, iyadoo inta badan Laba laba kilomitir la dayac tirayay balse qaybta dambe ee hadda la dhisi doona gaadhayso ilaa 40Km.
DSC_0095
DSC_0145
DSC_0249
DSC_0303
DSC_0386
DSC_0395
 
Berbera news/Berbera.