Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda Oo Shaacisay Heerka Uu Gaadhay Kufsiga Lagula Kaco Haweenka

Hargeysa (Berbera news) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in uu Somaliland aad ugu soo badanayo dhaqanka xun ee faro-xumaynta Haweenka (Kufsi), isla markaana lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan uu gaadhay 142 kiis, taas oo muujinaysa xawliga uu ku socdo ficilkan xumi.
 
 
 
Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland uu ka mid yahay wadamada uu ugu badan yahay ama ugu sarreeyo samaynta ficilka tacadigahaweenka ee dhaqanka gudniinka gabdhaha, kaas oo lagu qiyaaso inuu heerkiisu ka sarreeyo 90%.
 
 
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshaddu, waxa ay sidaasi ku sheegtay war-saxaafadeed ay ka soo saartay munaasibad loo sameeyay Xuska maalinta caalamiga ah tacadiyadda loo geysto haweenka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, xuskaasi oo soconaya 25-ka bisha November illaa 10-ka bisha December ee sannadkan 2014.
 
 
 
War saxaafadeedkaasi ay soo saartay Marwo Shurgi Xariir Ismaaciil, , isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
 
 
 
“Dastuurka Somaliland waxa uu damaanad qaadayaa xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta Somaliland, hadaba xukuumada Somaliland iyad aoo ka duulaysa barnaamajkeeda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka.
Sanad walba wxaa la qaadaa wacyi-gelin 16 maalmood ah oo lagu xoojinayo dhawrista xuquuqda aadamaha gaar ahaan sidii loo joojin lahaa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka.
 
 
Berbera news/Hargeysa.