Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Hadlay Muhiimada Mashruuca Dayactirka Wadada Hargeysa Iyo Berbera

Berbera (Berbera news) Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Mashruuca lagu dayac-tirayo wajiga labaad ee Wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ay tahay mid muhiimadda ugu fadhida isku socdka Somaliland iyo Itoobiya.
 
 
 
Wasiirka oo maanta ka hadlay Munaasibad loo qabtay Mashruucan dayactirka Wadada Hargeysa iyo Berbera oo qayb ka ah Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waddada Hargeysa illaa Berbera waa waddada ugu mashquulka badan ee dekedda ku xidha caasimadda iyo waliba Itoobiya. Xaalad aan wanaagsanayn ayay ku jirtaa waddadu. Somaliand waxay mahadnaq u diraysaa dadweynaha reer Denmark, Boqortooyada Ingiriiska iyo Norway oo mashruucan ku deeqay lagu hagaajinayo waddada. Tanina waxay kor u qaadaysaa badbaadada iyo dhimista saxmadda isku socodka gaadiidka. Sidoo kale waxay wax ka geysan doontaa koboca dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.