Xildhibaanada Diidan Mooshinka Xil Ka Qaadista Raysal-wasaaraha Somalia Oo Qoraal U Diray Beesha Caalamka

Muqdisho (Berbera news) Qoraallo sir ah oo ay qoreen Xildhibaannada ka soo-horjeeda Mooshinka, isla markaana taageersan Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed ayaa Beesha Caalamka u diray Qoraal ay kaga codsanayaan ina farro-gelin lagu sameeyo Khilaafka u dhexeeya Madaxda Somaliya, kuwaas oo sheegay in uu khatar ku yahay jiritaanka Somaliya
 
 
Qoraalladan oo laba ah ayaa loo kala diray Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Marykanka, Britain, Norway, Imaaraadka iyo Talyaaniga. Sidoo kale, qoraalkan ayay u direen Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ah Guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD, iyaga oo ku andacoonayaan inay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka xallin waayeen khilaafka s
Siyasadeed ee taagan.
 
 
Dhinaca kale Xildhibaannada gudbiyay Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha ayaa qaba in aanu jirin qalqal Siyaasadeed oo khatar ku ah Qarannimada Soomaaliya, isla-markaana uu Khilaafkani uu yahay mid la buun-buuninayo, waxaanay sheegeen inay aamisan yihiin in hay’adaha dastuuriga ee Somaliya ay ku filan yihiin xallinta Khilaafkan loona baahan-yahay inaan la jah-wareerin Beesha Caalamka.
 
 
 
Qoraalka ay Xildhibaanadani u direen Beesha caalamka oo ay heshay Hiiraan Online ayaa u dhignaa sidan:-
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa