Xiliga La Ansixinayo Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Oo La Iclaamiyay

Hargeysa (Berbera news) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay cod gacan taag ah ku meel mariyay ajandaha Kalfadhiga 26-tanaad ee Golaha Wakiilada.
Fadhigaa oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana ka soo xaadiray 59 Xildhibaan, isla markaana Xildhibaanada qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen in laga doodo, halka 47 mudane u codeeyeen Ajandahaas, waxaana diiday laba mudane, cidna kamay aamusin, Guddoomiyahuna muu coday wuxuuna ku dhaqan galay ajandaha kalafadhiga 26-tanaad ee Golaha wakiiladdu.
ka-soo-qaybgalayaashi-tile-150x150
Dhinaca kale,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ,ayaa mudeeyey xilliga la ansixinayo Komishanka Doorashooyinka qaranka ee cusub wuxuuna yidhi,“Gole waynaha, waxaan u sheegayaa maalinta sabtida, in la ansixinayo komiishanka doorashooyinka Qaranka,Axadana waxa golaha hor iman doona Wasiirka Wasaarada Maaliyada,maalinta ay soo galayso isiniintuna waxa la samayn doonaa Xisaab xidhkii, waxaana akhriyi doona hanti dhawraha Guud ee Qaranka.”
 
 
Berbera news/Hargeysa.