Xukuumadda Oo Iskaraab Ahaan Ganacsato U Siisay Warshadda Sibidhka Berbera

Barbera (Berbera news) Buuq ayaa la sheegay inuu ka taagan yahay Wershada Sibidhka ee Magaalada Berbera, kaddib markii todobaadkan si rasmiya loogu wareejiyay Rag Ganacsadeyaal ah oo Iskaraab ahaan looga Iibiyay.

Ma jiro go’aan rasmiya oo ay Xukuumaddu ka soo saartay talaabada lagu Iibiyay Qalabka Wershada yaalla, hase ahaatee sida ay faafiyeen shabakaddaha Internaydka ee wararka ku baahiya Afsoomaaliya Gobanimonews iyo Aftahannews, ayaa lagu sheegay inay u xaqiijiyeen dad arrintan xogogaal u ahi, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wershadaha Abiin Timacad ku wareejiyeen Ganacsato aan la ogayn in laga iibiyay iyo in la siiyay, kuwaasoo isla markiiba ka sii iibiyay Ganacsato kale oo reer Berbera ah.index

Xogaha shabakadahaas wararku qoreen waxay intaas ku dareen inay ganacsatada reer Berbera ee laga Iibiyay iskaraabka Wershadu isku dayeen inay gurtaan todobaadkan , hase ahatee ay shaqaalihii Ilaalinayay u diideen, iyagoo ku doodaya inay lacagtoodii Mushaharka ahayd iyo hanti kaleba kaga jirto.

Talaabada Shaqaalaha wershadu isku hortaageen rarista Qalabka oo ilaa hada aan la maarayn, ayaa sababtay inay dibada u soo baxdo arrinta Iibinta Iskaraabka Wershada.




Wershada Sibidhka Berbera oo aan dib loo kicin tan iyo markii ay dhacday dawladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya, ayaa sanadkii 2012-ka waxa ay xukuumada Siilaanyo ruqsad u siisay inay dib u kiciyaan Ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah.

Hase ahaatee waxa ka hor-yimi Ganacsato iyo qayb ka mid ah Shacbiga reer Berbera oo talaabo sharci daro ah ku tilmaamay in Wershadan Kooto lagu siiyo Ashkhaas gaar ah ama Shirkad qof leeyahay, iyagoo ku doodayay in Share lagu bixiyo Maal-gashigeeda.

Ka hor isku dayga fashilmay, waxa jiray qorshe ay Xukuumaddii Rayaale hindistay inay ku dhaxal-wareejiso Iskaraabka Wershadan, taasoo iyaduna hal bacaadleh noqotay markii Shacbiga iyo Mucaaridku si adag uga soo horjeesteen.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ay dawladdu ka soo saartay xaalada la sheegay inay ka aloosan tahay la wareegista qalabka Wershada, isla markaana waxay xogahaas u dhuun-daloola Iskaraabka Wershada sibidhka waxay xuseen in magaalada Berbera laga dareemayo guux faro badan oo arrintan la xidhiidha.

Berbera news/Berbera.