Gabadh Abeheed Si Fool Xun U Dishay Iyo Nin Inan Kisii Xalay Ku Gawracay Hargeysa

Hargeysa(berbera)-Gudoomiyaha degmada Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa Maxamed Axmed Kibaar, ayaa sheegay in fal fool xun ka dhacay Degaanka Geed-deeble ee duleedka Hargeysa, halkaasi oo Gabadhi ku dishay Aabaheed.
knife_blood-300x198
Marxuumka la Dilay ayaa magaciisu yahay Cabdile Xagaa,waxaana Maydkiisa la keenay Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo Gabadha dishayna lagu soo xidhay Xarunta CID-da.falka ayaa dhacay saqdii dhexe ee Habeenimadii Salaasadu soo galaysay.“ Falku wxuu dhacay saqdii dhexe, waxaanay Hooyada gabadha dhashay noo sheegtay in Aabuhu yara canaantay Gabadha ka dibna ay saqdii dhexe Hooyadu ku war heshay dagaalka ay inantu aabaheed ku qaaday, waxaanay Dilka u adeegsatay Mindi iyo agab kale” ayuu yidhi Gudoomiyaha Daarasalaam oo wargeyska Geeska Africa la hadlay. Gudoomiyaha Degmada Mr Kibaar waxa uu sheegay in Gabadha ay soo qabteen ka dib markii ay baxsatay.waxa uu sheegay in wararka ay ku heleen in Marxuumka dhintay ahaa dhul yaal uu asiibay Cudurka Faaliga,
Geesta kalena Degmada Maxamud Haybe ee Magalada Hargeysa waxa habeenimadii Xalay oo khamiis ah ka dhacay  arin  fool xun kaasi oo nin deganaa xafadda Calaamadaha agagaarka Star Uu ku gawracay wiil yar oo lasheegay inuu isagu dhalay kadibna uu cabay dhiiga ilamahaasi yar oo da’diisa lagu sheegay 5-jir, waxana sidaasi u xaqiijiyay warbaahinta qaar kamida dadka xafadaasi oo qaarkood indha’hooda ku soo arkay halka uu falkani uu ka dhacay ninka falkan ku kacay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka kasoo bara kacay Degaanada Koonfurta Soomaaliya, halka uu isna ka soo jeedo Beelaha loyaqaano (Jareerta) ciidamada booliska oo halkaasi gaadhay ayaa ka bilaabay hawlgal badhitaan.