Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Saaxil oo naqdiday safarkii Madaxweyne Silaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil oo naqdiday Safarkii Madaxweynaha

Berbera-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Rooda Axmwed-yaasiin, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Berbera waxay ku naqdiday safarkii Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirrada tiradabadani ku tegeen dhagax-dhigga qaybo ka mid ah wadada u dhaxaysa Abdaal iyo Sheekh.

Rooda Axmed Yaasiin waxay sheegtay in safarkaasu ahaa mid xukuummaddu doonayso inay ugu soo dhuumato shacabka Gobolka Saaxil oo taageero ka weyday, “Waxaan maanta halkan shirka jaraa’id ugu qabtay waxa weeye, safarkii Madaxweynaha iyo wasiirradiisii badnaa ku yimaadeen ABDAAL Wwuxuu ahaa safar aan caadi ahayn, laakiin wuxuu ahaa safar muraad-doon ah, oo markii ay Gobolka Saaxil soo geli kari waayeen ay ku tusaan dadka sawirro beena oo ay kaga iibinayaan.” ayay tidhi.Rooda axmed yaasiin

Marwo Rooda Axmed-yaasiin waxay ku doodaysaa in wadada Madaxweynuhu dhagaxdhigay aanay ahayn mid ay gaar u leeyihiin reer Saaxil, balse ay tahay mid ka dhaxaysa shacabka Somaliland oo dhan, iyadoo arrintaas ka hadlaysa waxay tidhi, “Meeshaas ay leeyihiin wadaanu dhigaynaa waa wado reer Somaliland oo dhan ka dhaxaysa, Maaha wado la odhan karo waa mid khusaysa reer Saaxil, haddii wado reer Saaxil khusaysa la doonayo waa safarkii Balligubadle iyo Sallaxley oo kale, laakiin maaha wado kuwaas u dhiganta, reer Saaxilwaxayahmiyadda saarayaan oo cidina ka caawin wadada Bulla-xaar, ayaa waddooyinkaas u qalanta oo ah wado deegaanku gaar u leeyahay, laakiin wadada ummadda ka dhaxaysa in sawir qaldan lagu siiyo maaha.”

“Meeshaas waxaannu ognahay inaan cidna ku soo dhawayn ee dadka ay basas ku siteen, halkan [Berbera] basas lagaga raafay dadka.”

Halkan ka dhegayso