Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Safiir Ku Xigeenka Dawladda Japan U Fadhiya Kenya

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Safiir ku xigeenka Dawladda Japan u fadhiya Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya Mikio Mori ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyadda, waxaana kulankaasi ka dib Warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr Sacad Cali Shirre oo sharaxay Qodobadda ay Madaxweynaha iyo Safiir ku xigeenkani ay ka wadda-hadleen.
 
 
Safiir ku xigeenka Dawladda Japan u fadhiya Nairobi ayaa Ujeedda Safarkan uu ku yimid Somaliland tilmaamay sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Japan.
 
 
“Waxaan Joogay Somaliland Wakhti Maalmo ah, waxaan Dalxiis Barasho ku tagnay meelo ay Berber aka mid tahay, waxaanu Safarkani noqonayaa mid xoojinaya Saaxiibtinimo iyo Is barasho. Madaxweynaha waan la kulanay, waxaanay Somaliland u qalantaa in wax badan la siiyo waxay hadda hesho” ayuu yidhi Mr Moori.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.