Tijaabadda Tallaalka Ebola Oo Muujiysay Natiijo Wanaagsan

USA (berbera) Khubarada caafimaadka ayaa ammaanay natiijada kasoo baxday tallaal tijaabo ah oo loo sameeyay cudurka Ebola, iyaga oo sheegay in uu noqon karo mid jirka bani’aadamka u sahla in uu aqoonsado oo ka hortago cudur sidaha Ebola.
140907215441_ebola_vaccine_512x288_._nocredit-300x168
Labaatan qof oo mutadawiciin ah ayaa tallaalka lagu siiyay dalka Mareykanka, waxaana jirkooda uu yeeshay difaac uu uga hortagi karo cudurka.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in natiijada aanay weli cadeyn buuxda u ahayn, in dawada ay waxtar buuxda leedahay, balse la sii wadi doono tijaabada, haddii lagu guuleystana, tallaalka la siin doono kumannaan ah shaqaalaha cafimaadka oo ku sugan galbeedka Afrika, marka la gaaro bisha January.
Dhanka kale shaqaalaha caafimaadka ee cudurka Ebola kula dagaallamaya koonfur bari dalka Guinea, oo ah halka uu cudurka ka bilowday, ayaa BBC-da u sheegay in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay sii kordhayso tirada dadka uu cudurka haleelay.
BBC-da ayaa booqatay mid ka mid ah xarumahaasi cusub oo howl wadeennada caafimaadka ay joojiyeen in ay aqbalaan bukaanno cusub, maadaama ay ka tan bateen kuwii horray ugu jiray.
Xarun kale oo caafimaad ayaa mudo hal todobaad ah waxaa soo gaaray in ka badan boqol qof oo qabta Ebola.