Xukuumadda Oo TV-ga Ku Hadla Afkeeda Ka Bilawday Barnaamijyo Lagu Cambaaraynayo Masuuliyiinta Iyo Siyaasiyiinta Ku Biiraya Xisbiyada Mucaaridka

Hargeysa (Berbera news) Telefishanka qaranka oo si toos ah u tabiya Warar iyo Barnaamijyo ka turjumaya Aragtidda Siyaasadeedd ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana ay mamnuuc ka yihiin baahinta Wararka Xisbiyadda Mucaaridka iyo Siyaasiyiinta dhaliila hoggaaminta Madaxweynaha ayaa waxa uu bilaabay maalmihii u dambeeyay Warar lagu dhaleecaynayo Masuuliyiin iyo Xubno Siyaasiyiin ah oo hore Xilal uga soo qabtay Xukuumadda iyo Xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo ku biiraya Xisbiyadda Mucaaridka.
 
 
 
 
Wararkan uu TV-gani tabiyo ayaa waxa kale oo lagu soo bandhigaa Odayaal lagu sheego inay ka mid yihiin Cuqaasha Somaliland iyo Shakhsiyaad kale, kuwaas oo dhaliilo kala duwan u jeediya Siyaasadda Mucaaridka, isla-markaana sheega in Mucaaridku ay wadaan khal-khal Siyaasadeed.
 
 
 
 
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay Qorshaheega Siyaasadeed ee ay ku door-bidayso inay Bulshadda Sawir khaldan ka siiso in Xisbiyadda Mucaaridku aanay ka turmi-karin Masiirka Shacabka, iyadda oo Telefishankan u adeega Afkaarteedda Siyaasadeed ku amrtay inuu tabiyo Warar iyo Barnaamijyo lagu sheegayo in Masuuliyiinta saluuga Siyaasadoodda uu ka baahiyo Warar ay ku cambaaraynayaan isbadal-doonimadoodda.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.