“Maanta Dalkeeni Waxa Uu Galay Xaalad Xun, Xafiis Dibadeed Oo Inoo Shaqaynayaa Ma Jiro” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa  (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dalku marayo. Waxa uu sheegay inaan la dhawrayn sharciga,in Qabyaaladu meel walba gashay islamarkaana majarihii umadda Somaliland u socotay lumay.
 
 
 
Ugu horayn aysal Cali Waraabe oo ka hadlaya Xaaladda qabyaalada waxa uu yidhi “ Somaliland Qabiil bay ku noqotay, Maynu Ogaan jirin Komishankaas cid la doortay laakiin,hadda waxaa socota Olole xataa Guddoomiyihii qabiil galay.Asxaabtii baa qabiil gashay, Sharcigii baynu laabnay, waxaynu maraynaa in sidii Reer Miyiga Odayaal ina kala saaraan.Dastuurkii waa jabay, xeerarkii waa la jabiyay Umad aan Rule Of Law(Sharcigu Sarayn) umad ma noqoto.haddaan sharcigu talin waxaynu noqonaynaa Qabaa’il aan sharci ku socon ee xeer jajab ku socda, sidaasna Qaranimadu kuma socoto”
 
 
 
Eng Faysal Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hiigsigii Umadda Somaliland lumay “Hadda waxaa muuqata iska daa Hiigsigeenii Qaranimo eh in wixii aynu gacanta ku dhignay ee ahaa Xorriyaddii, Doorashooyinkii, Xorriyaddii Saxaafadda,Dhismihii Hay’addaha, wixii baad moodaa inay hadda baaba’ayaan.dib baa loo socdaa, Dhalinyaradii baa qabyaaladii galay,Salaaddiintii baa qabiilkii ku hadaaqaya,Warbaahintii waxaan reer hebel ahayni ka soo bixin maayaan, waxaad moodaa inaynu nahay Umad Jaah-wareertay oo aan Ujeedo lahayn. Ujeedadii umaddani u baabaday waa laga tagay, qof walba dantiisa ayuu u Ordayaa,markaa aniga waxaa iga muuqda Niyad jab weyn”
 
 
 
Faysal Cali Waraabe, waxa uu walaac ka muujiyay Shirarka Beelaha, isagoo ku baaqay in dalku shir qaran laga qabto si la isku xisaabiyo oo wixii khaldan loo saxo “Waxaad moodaa inaynu gacmaha laabanay oo arinteenii ka dhignay Qaad iyo Qabiil, Makarafoonka ayuun baad Afka ku haynaysaa, anigu markaa waxaan leeyahay hala isku yimaado oo hala is xisaabiyo,waxa la leeyahay Musuqmaasuqii baa ciida ka batay oo gaaladii qoraysaa, Qabiilkii baa socda, waynu isnacnay, waa la iscaayayaa.waxaan ka yaabayaa in haddii sidan doorasho lagu galo waxaan ka baqayaa in nabadeenu khatar gasho.” Ayuu yidhi  Eng Faysal
 
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu welwel ka muujiyay heerka Qabyaalada “Waxa nasiib darro ah in komishankii Doorashooyinka beeshii Dhexe Guddoomiyihii ay ku tartamaysaa oo la leeyahay beel heblayo ha la siiyo, marka haddii aynu nahay Ummad aan waxba ka taggayn oo wax kasta qaadanaysa Sideebay Beelihii Darafyadu inoola noolanayaan oo xaata Beeshi dhexe aanay wixii ku heshiis ahayn oo Jilib Jilib ay isku haysataa, sidda qaran laguma dhisan karo, dhalinyarada in la Khiyaameeyo ma ah meeshan Himilo qaranimo ma socoto, Istaraajiyad qaranimo ma socoto, siyaasad qaranimo ma socoto, waxa socota qof walbaba wuxuu heli karo in uu boobo, Qabiil isboobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn, marka Dadkii reer Somaliland way isnaceen way is hiifayaan, beelihii kale ee darafyaduna way ina eegayaan oo Dalkiiba inagii ayey inooga baqanayaan in aynu gacmaheena ku burburino, haddaba si arrintaasi looga baxo Madaxweynaha Waxaan ugu baaqay in uu Shir qaran uu Qabto oo aynu is xisaabino oo wixii khaldan la saxo, Maanta Dalkeeni wuxu gallay Xaalad Xun Xafiis Dibadeed oo inoo shaqeynayaa ma jirto.”Ayuu yidhi Eng Faysal.
 
 
 
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in lagu fashilmay Siyaasada Arimaha dibada,isagoo tilmaamay inaanu jirin inaanu jirin Xafiis kaliya oo Somaliland dibada uga shaqaynaya si firfircoon, sidaasi darteedna aanay suuro galayn in sidaas lagu helo Citiraaf. waxa uu ugu baaqay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo inay is hagaajiso.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.