Tobaneeyo ku dhintay qarax ka dhacay Nigeria

BBC-Afhayeen u hadlay barasaabka gobolka Adamawa ayaa BBC-da u sheegay in inta badan dadka ku waxyeeloobay qaraxa ay ahaayeen rayid.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Maraba ee u dhow magaalada Mubi, taasi oo ku taalla soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.nigeria

Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu soo rogay bandow 24 saac ah.

Bishii lasoo dhaafay, dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa qabsaday magaalada Mubi, waxaana ay isku dayeen in ay ku dhowaadaan caasimada gobolka ee Yola.

Balse ciidammada Nigeria oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka u dhashay ayaa horraantii todobaadkan dib u qabsaday magaalada Mubi, waxaana ay baacsadeen dagaalyahannada Boko Xaraam.

Weerarrada Boko Xaraam ayaa u muuqda kuwa aan joogsaneynin.

Talaadadii lasoo dhaafay, laba dumar ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weeraray suuq ku yaalla magaalada Maiduguri ee gobolka Borno, waxaana halkaa ay ku dileen dad ka badan 70 qof.

Todobaadkii lasoo dhaafayna, Boko Xaraam ayaa laba weerar ku dishay dad ku dhow 100 qof, kuwaas oo qarkood ay gawraceen, halka kuwa kalana ay ku baqtiiyeen harada Chad.