Wada-dalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo dub u furmaya

Hargeysa(Berberanews):- Wadahadallada u socday dhawrkii sano ee u dambeeyey oo muddooyinkan dambe dib-u-dhacyo badani ku yimaaddeen sii socoshadiisa, ayaa ka furmaya dalka Turkiga maalmaha soo socda, waxaana waddankaas gaadhay Wasiirro ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo gelinkii dambe ee maanta u dhoofay Turkiga.S&S

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa intii aanu gelinkii dambe ee maanta ka dhoofin halkaas, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka uu Turkiga oo uu Wasiirka arrimaha dibedduna kaga sii horreeyo u tegayaa tahay diyaarinta wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo marba wakhtigiisa dib uga dhacayey dhawrkii bilood ee u dambeeyey.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland u diray isaga oo Wasiirka Madaxtooyada ah iyo Wasiirka arrimaha dibedda ka qaybgalka wadahadalkaas, waxaanu sheegay inay sii diyaarin doonaan ajandaha iyo qodobbada laga wadahadli doono Soomaaliya, iyagoo sidoo kale Wasiirro Soomaaliya ka socdaana ku sugan yihiin dalkaas sida uu Wasiir Xirsi sheegay.

Haddaba, Warbixinta Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan: