Wefti Djibouti uga yimi Furitaanka Mashruuc Dawladda Kuwait ka hirgelisay Somaliland oo dalka soo gaadhay

Wefti ka socda dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay Wasiirro ka mid yihiin, ayaa Jimcihii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen  Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Weftigan oo Marti-qaad  ay Somaliland u fidisay, waxaa hoggaaminaya Wasiirka Diinta, Aw-qaafta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanay ka warrameen ujeeddada safarkan ay ku yimaaddeen Somaliland iyo nooca marti-qaadka ay soo aqbaleen ee Xukuumaddu u fidisay.

Warbixinta Warkan Weftiga Jabuuti oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hooe ee Daawasho Wacan:-