Bandhig lagaga Hadlay Horumarinta Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga oo Hargeysa lagu Qabtay

Hargeysa (Berberanews)- Kulan ballaadhan oo loo sameeyey falanqayn la xidhiidha sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta iyo horumarinta Afka Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida, ayaa ka qabsoomay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankaas oo loogu magac-daray ‘habeenka afka iyo dhaqankaaga’ oo qabashadiisa ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland iyo Ururka Qallinlayda Soomaalida (Somali Speaking Pen) ee ka shaqeeya horumarinta afka iyo fanka, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta xalay, waxa ka qaybgalay wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Hawlaha Guud, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Ganacsiga, Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Agaasimaha Warfaafinta, Maareeyaha Telefishanka Qaranka, wefti ka tirsan dawladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Dhaqanka, wakiillo ka socday ururka Qallinlayda Soomaalida, abwaanno, qorayaal Soomaali ah iyo marti sharaf kale.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland, ahna ku-simaha wasiirka Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo ugu horreyn ka hadlay halkaasi, ayaa sheegay in ujeeddada kulankani tahay sidii looga wadatashan lahaa ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka iyo Afka Soomaaliga oo ah masuuliyad gudasheedu saarantahay guud ahaan dadka Soomaalida ah, waxaannu ku ammaanay dawladda Jabuuti iyo Ururka Qallinlayda Soomaalida dadaalka ay ka sameeyaan badbaadinta Afka Soomaaliga.IMG_2233 IMG_2239

Md. Cabdiwaaxid oo ka hadlayey qorshaha uga yaal wasaaraddiisa horumarinta afka Soomaaliga, waxa uu yidhi, “Hargeysa oo aannu joognaa waa meeshii dhaqanka iyo Afka Soomaaliga laga bilaabay, taas annagoo ka duulayna Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka Somaliland waxay diyaar u tahay cid kasta oo maskaxdooda ay ka guuxayso ama wax ku biirin karta dhaqankeenna iyo afkeenna in aannu gacansiinno, waanuna dhiirigelinaynaa. Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland hore wuxuu uga qaybgalay shirkii Qallinlayda Soomaalida ee Jabuuti ka dhacay sannadkii hore, xukuumad ahaan waxaannu si buuxda diyaar ugu nahay in aannu ka qaybgalno wax allaale iyo wixii nagaga aaddan hadday dhaqaale tahay iyo hadday noqoto in intayada taqaan dhaqanka, suugaanta iyo Afka uga qaybgali lahaayeen.”IMG_2227 IMG_2231

Farduus Dirir oo sheegtay in ururkan ay ku midoobeen dhammaan qorayaasha Afka Soomaaliga ku hadla, suugaanyahanka iyo hal-abuurka Soomaalida ah, kaas oo ka sakow ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaalida ay halbowle u tahay kobcinta iyo horumarinta fikirka hal-abuurka wanaagsan ee qof kastoo Soomaali ahi leeyahay, isla markaana mustaqbalka dhaw ay hirgelin doonaan qorshayaal uga meelyaal arrimahan.

Wasiirka Diinta iyo Dhaqanka Jabuuti Aadan Xasan Aadan, ayaa mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta Somaliland qabashada kulankaasi lagaga hadlayey horumarinta Hiddaha iyo Afka Soomaaliga, waxa kale oo uu xusay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka iyo fanka Soomaalida, isagoo si gaar ah ugu ammaanay Somaliland dadaallada ay arrintaasi la xidhiidha ee ay samayso.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waa run oo Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar wax wayn bay tareen dalladan qallinlayda oo waa waajib na saaran, laakiin waxaan hambalyeynayaa Somaliland oo wax kasta oo loo qabto ha noqoto Somali Pen ama dawladda Jabuuti ha qabatee waxaannu rumaysanahay in tallaabada aannu qaadno ay Somaliland laba tallaabo oo kale ku sii darto. Waxaan ogaaday in bil kasta buug Afsoomaali ku qorani Hargeysa ka soo baxo, markaa waxaan uga jeedaa meel idinka horreysaa ma jirto, siina wada dadaalkiinna.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa si ballaadhan uga hadashay hodanimada af-soomaaliga iyo suugaantiisa oo ay tusaaleyaal uga soo qaadatay tuducyo ka mid ah gabayo ay hore u tiriyeen abwaanno iyo dad Soomaali ahi. Waxa kaloo ay ku ammaantay dawladda Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ilaalinta iyo horumarinta ay ku sameeyeen afka Soomaaliga iyo suugaanta.

“Annaguna waxaannu samaynay akadamiga fanka iyo dhaqanka Somaliland oo hadda la dhammeeyey shuruucdeeda iyo hawlaheedii kale, waxa loo baahan yahay sidii loo dhaqangelin lahaa oo ardayda iyo dhallinyarada looga faa’iidayn lahaa oo qoraallada loo dhiirigelin lahaa, eray-bixintii loo samayn lahaa, oo dawladaha jaarka ee wax innagala qaban lahaa sida Jabuuti iyo Kilalka Shanaad aynu la kaashanno,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Suxufiga caanka ah ee Maxamed Cali Waji, Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah qoraagga ururka Somali Pen iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey dhaqanka iyo qaybaha uu ka koobanyahay, gaar ahaan dhaqanka dadka Soomaalida ahi lahaan jiray iyo muhiimada uu lahaa iyo weliba luuqadda afka Soomaaliga oo ah mid sal ballaadhan oo soo martay heerar kala duwan, balse waqtiyadan dambe uu muuqda inuu baaba’ayo haddii aan gurmad lagu badbaadiyo la samayn.

Berberanews.com
Info@berberanews.com