Boorama (Berberanews) Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Boorama ayaa sameeyay Mudaharaad ay kaga soo hor-jeedeen Xadhiga Guddoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Degmadda Boorama Cabdiraxmaan Shidde Bille oo Maanta ay Ciidamadda amaanku Xabsiga u taxaabeen,
Dadkan Mudaharaadka sameeyay ayaa u badnaa Dhalinyaro, kuwaas oo Waddooyinka ku gubay Taaayiro, balse Ciidamadda Booliska ayaa u adeegsadday Rasaas ay ku kala dareerinayeen, ilaa hadda-na ma jiro khasaare ka dhashay, hase-yeeshee Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Dhalinyaradaasi ay Ciidamaddu Xabsiga u taxaabeen.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in Duqii hore ee Boorama loo xidhay arimo la xidhiidha dhinaca Amaanka ah, hase-yeeshee wax faahfaahin ah kama bixin balse waxa uu ku gaabsaday inuu falal Amniga ka dhan ah uu faraha kula jiray.
Xaaladda Magaalada Boorama ayaa hadda degan ka dib markii Wax-garadka Gobolka Awdal ay waan-waan ka galeen arrintan, islamarkaana Dhalinyarada Gadoodsan ku qanciyay inay is-dejiyaan, waxaase wali xidhan Guddoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Boorama.
Cabdiraxmaan Shidde Bille ayaa Xilka Duqa Degmadda Boorama hayay muddo lix Sanadood ah, isaga oo muddooyinkii u dambeeyay aan lagu arkin Fagaarayaasha Siyaasadda.
Berbera news/ Boorama.