DERAJADII LAGU TOLAY AYAA DHAXALSIISAY IN UU NOQDO RATI HEERYADIISA KU FOOFAY

Sida aan la socono xukuumadii ka dhalatay xisbiga Kulmiye waxa ay codka shacbiga ku kasbatay in ay joojin doonto ficilo aan horumar lahayn oo ay ku dhaqmi jirtay xukuumadii ka horeysay ee xisbigii UDUB hogaanka u hayay.Qoddobadii codka lagu siiyay ee KULMIYE balanqaaday in laga bogsan doono ku dhaqankooda,oo aad u badnaa waxa aan halkan kaga xusayaa laba arimood oo xudun u noqon doona nuxurka uu xambaarsan yahay maqaalkani.

Ku Tagrifalka Hantida Ummada iyo Ku Tagrifalka Awoodaha Qaranka :- Labadan qoddob waxa ay ka mid ahaayeen arimihii xisbiga Kulmiye sida qotada dheer uga hadli jiray ee uu ku dhaliili jiray xukuumadii hore.Haddaba bal aan diirada saarno waxa ka fulay balanqaadkii xisbiga Kulmiye ku baaqayay xilligii uu ku jiray ololaha iyo halka uu maanta ka taagan yahay labadan arimood ee kor ku xusan.

Ku Tagrifalka Awoodeed :-

Ugu horeyn bal eegno sida uu taliyaha booliska Somaliland Cabdilahi Fadal Imaan ugu gabood falayo awoodii qaranku saaray,isla markaana uu ugu adeegsanayo in uu bannaanka ka dhigo boqolaal qoys oo boolis ah guryihii ay ku noolaayeen.

Line Boolisku waa xaafad ku taala badhtamaha magaalada Hargeysa,waana dhisme taariikhi ah oo ka soo jeeda dhismayaashii qadiimiga ahaa ee uu dhisay gumeysigii Ingiriisku,isla markaana loo dhisay in ay galaan xaasaska askartu,waana xaafad aan ognahay in ay galaan xaasaska iyo caruurta ciidanka boolisku.Waa meesha uu u nasasho yimaado askariga booliska ahi marka uu soo guto hawsha uu qaranka u hayo.Waa xaafad ay ahayd in loo aqoonsado dhismayaasha taariikhiga ah ee uu ka tagay gumeysigii Ingiriisku oo aan odhan karno isaga ayaa uga lexejeclo badnaa daryeelka askarta tan maanta joogta ,maadaama uu u dhisay meel ay galaan ciidanka u shaqeeyaa.May ahayn arin ay marnaba sugayeen shacbigu in ay dowladu ku dhaqaaqdo in ay iibiso xaafada Line ka Booliska,taasi oo hoy u ah boqolaal qoys oo ku wada abtirsada,ku wada walaala,ku wada dhaqma,ku wada hayb ah hal beel ama qabiil,kuwaasi oo qabiilkoodu yahay Xaafada Laynka Booliska(Bahda Booliska).maqaal1

Xaqiiqo ahaan may ahayn arin ay ku riyoodeen,kuna hammiyeen taliyayaashii hore ee soo maray hogaanka Boolisku in ay iibiyaan xaafad qadiimi ah oo ay ku nool yihiin agoomo iyo xaasas ciidan boolis oo ku abtirsada guud ahaan Bahda Booliska Somaliland.

Waxa wax lala yaabo ah in uu Jananka booliska Somaliland uu ku talaabsaday arin dulmi ah,taariikh xuma ah,taasi oo ah arin uu ku tir tirayo sooyaal-taariikheed uu leeyahay booliska Somaliland,ka dib markii uu ku dhaqaaqay in uu iibiyo Xaafaadaasi.Waa arin ay ka xishoodeen in ay ku tallaabsadaan Taliyayaashii xilka uga horeeyay wax dhintay iyo wax noolba.Intii dhimatay sharaf boolisku u hayo ayay la god galeen,inta nool na sharaf ayay shacbiga iyo bahda booliskuba u hayaan.

Arintani waxay caddeyn u tahay shaqsiga uu yahay taliyaha maanta xilka hayaa.Waxay caddeyn u tahay masuuliyad darrada taliyaha maanta.Waxay niyad-jab ku tahay guud ahaan bahda booliska ee marwalba u taagan adkaynta nabad galyada.Waxay dhiirigalin u tahay cid kasta oo jecel baylahda,baaba,a iyo bayhoofka agoomaha iyo xaasaska booliska ,Waxay badhaadhe u tahay cid kasta oo ka soo talisay in xaafada boolisku Parking u noqoto cid aanay qiimo la lahayn bahda boolisku .Waxay astaan u tahay oo ay muujinaysaa afkaarta dib u socodnimo ee dul hoganaysa hogaanka booliska.Waxay dib u dhac ku tahay horumarka booliska qaranka,waxay markhaati u tahay in aan laga fiirsan shaqsiyada lagu tolay darajada ugu saraysa hogaanka booliska maanta,waxay marag ma doon u tahay in aan hogaankani ahayn mid sii hanan karaya hawlaha qaranka ee loo igmaday.

 Taliyaha booliska Somaliland waxa uu muujiyay in uu yahay daba-dhilif aan fahansanayn,aqoonteedna lahayn haybada iyo karaamada ay leedahay darajada la saaray.Ma aha arintani mid dhacday dowladihii ina soo maray,waana wax looga fadhiyo in uu wax ka qabto madaxweyne Axmed Msaxamed Maxamud(Siilaanyo) oo ah cidda ay shacbigan lagu cagaynayaa u doorteen in uu daryeelo.

 

Ku Tagrifalka Hantida Ummada :-

Xukuumada ku abtirsata xisbiga Kulmiye waxay cagta saartay jidka ay ku dambayso “Aaran Dubatadu”,kaasi oo ah dowgii ay raacday xukuumadii xisbigii Ududb hogaanka u hayay.Bal qoddobkana aan ku eegno kala duwanaanshaha nidaamka ay labada dowladood u adeegsadeen  boobka iyo ku tagrifalka hantida ummada iyo nidaamkii ay ganacsatada wax iibsanaysaa kula dhaqmi jirtay dad ku jira guryaha.

Xukuumadii hore iyo sidii ay wax u iibin jirtay :

Xaqiiq ayay ahayd in samaysay ku tagrifal hanti maguurto ah ,laakiin waxa marag ma doon ahayd in aanay u adeegsan dadka in ay shaadh dowli ah u gashato,xadhig iyo cago juglayna ay ugu darto,waxana hubaal ah in aanay dowladu u dhaxayn jirin ganacsadaha iyo dadka guryaha ku jira,haddii ay dhinac la safan tahayna ay la safan jirtay dhanka shacbiga.Waxa hubaal ah in aanay dowladaasi hore ka ogolaanaynin in la dulmiyo agoomaha,askarta iyo shaqaalaha ku jira guryahaasi,lana raaci jiray sida ugu macquulsan ee aan dulmi ku imanin.Waxana ganacsadaha laga qaadi jiray xuquuqdii oo dhan.

May jirin ganacsade awooda dowliga ah daba ka soo riixa,hantina ku bixiya sidii uu bannaanka u dhigi lahaa boqolaal qoys oo isugu jira agoomaha iyo hooyooyin ka soo jeeda mujaahidiin u soo shahiiday in maanta la dhisto Daaro dhaadheer.

 

Xukuumada Talada Haysa iyo Boobka Hantida Maguurtada ah

Xukuumada maanta talada haysa waxa xaalkeedu yahay “ Salaamu Laahi Calal Xujaaj.

Ugu horeyn waxa ay boobka hantiada maguurtada ah u martaa dariiq qabyaaladeed,waxana caddayn inooga ah Cidda ay siisay Gandhi Library iyo arintan haatan taagan ee Line Booliska.

 

Xukuumadu waxa ay u fasaxday Shirkada Dahabshil in ay sifaha ay doonto u marto sidii ay bannaanka u dhigi lahayd ummada ku nool xaafada dhan ee Line ka Booliska.Waxana ummada halkaasi ku nool oo gidigood ah agoomo iyo askar boolis ah ka qiimo baday Parking ay hesho Shirkada Dahabshiil.

 

Mulkiilaha Shirkada Dahabshil ayaa ah ganacsadaha laga qaraabo iibshay xaafada Line ka Booliska,isaga ayaana ah awooda daba Ka riixaysa Aliflaha darajadu ku qaldantay ee maanta ku fadhiya kurisga laga hago amniga qaranka Somaliland,ee uu ahaa General kii ugu dambeeyay ee xukumayay Alle ha u naxariistee Gen.Maxamed Saqadhi Dubad,ahaana awoodii ka horjoogtay Ina Dahabshiil dulmiga uu maanta u badheedhayo.

Gen.Saqadhi ayaa ahaa Geed Damal ah oo ay Booliska Somaliland hadhsadaan,laakiin ayaan darrada maanta haysata Bahda Booliska ayaa ah Geedkii Damalka ahaa oo maanta isku badalay Geed Yacay ah, kaasi oo ay cadceedu ku hoos dishay ubadkii iyo hooyooyinkii iyo askartii duruufaha kala duwan habeen iyo maalinba ku shaqaynaysay.

 

Tallo Soo Jeedin

Shirkada Dahabshiil waxaan u soo jeedinaynaa in uu ka cabsado Allaha Raxmaanka ah ee siiyay hantida aanu dhoof iyo dhib midna u soo marin,kana laabto sifaha uu ku doonayo meel ay ku nool yihiin dad aan laga macaashaynin haddii dulmi lagula kaco.

Madaxweynaha jsl Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilaanyo) waxa aan leenahay madaxweyne,dadkani waa dadkaagii,waa agoomihii ka hadhay Mujaahidiintii aad madaxda u soo ahayd waqtigii halganka,waxa aanay mar labaad diyaar u yihiin in ay adiga iyo xisbigaaga Kulmiyaba naftooda u huraan,siiyaana codkooda.Sidaas daraadeed,waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad wax ka qabato arinta xaafada Line Booliska ee ay ku bahoobeen in ay dadkaasi dulmiyaan Ninkii aad shalay ku toshay Darajada,kaasi oo ay derajadii dhaxalsiisay in uu noqdo RATI HEERYADIISA KU FOOFAY IYO GANACSADE DAHABSHIIL oo ku dhaqaaqay wax aan laga filaynin.

Mujaahid  Muuse Daahir Libaax

 caglibaax@hotmail.com.Hargeysa