Golaha Guurtidda Oo Ansixiyay Xeerkii Diwaan-gelintii Madaniga Oo Sixitaan Lagu Sameeyay

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta Ansixiyay waxka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka diwaangalinaha Codbixinta iyo Madaniga ee Xeer Lambar 37/2007 ka dib markii Shir gudoonka guurtidu sheegay inay saxeen qodobo khilaaf adag galiyay xeerkan.

Fadhiga Maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu Shirguddoonku Mudaneyaasha u sheegay in Xeerka sixitaan lagu sameeyay khiladaad yaryar oo ku jiray inkasta oo aanay xusin qodobada la saxay iyo sida loo dhigay.Golaha oo shalay oo qayibiyay xeerkan ayaan dood fiican ka yeelan xeerka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa warbixin kooban ka siiyay Xildhibaanadda sixitaanka lagu sameeyay xeerka diwaangalinta waxaanu yidhi“Xeerkani waxa weeye Xeer Markiisii horena laga shaqeeyay, iskhilaafka ama faraqa u dhexeeyayna wax yar buu ahaa, waxaana awood la inoogu siiyay inaynu sixitaan ku samayno, Qodobadii ugu muhiimsanaa ee Khilaafku ku jirayna waynu saxnay.xeerkana waa xeer inbadan soconayay, la isku eedeeyay, Guurtida lagu eedeeyay,Wakiilada lagu Eedeeyay, Xukumadda lagu eedeeyay, shaqadiisiina la yidhi waa la hor taagan yahay nimankii fulin lahaana waa kuwii doraato la ansixiyay. Si aan xeerkaasi dib u dhac ugu iman oo aan eediisu ina saarnaan wixii shaqo ah waan ka soo qabanay waana inaan ansixino”

Intaasi ka dib ayaa Xeerka Shir gudoonku cod u qaaday waxaana Ogolaaday ansixintiisa 52 Mudane oo ka mid ah 57 mudane oo Fadhiga ka soo xaadiray, waxaana diiday 4 mudane, halka Gudoomiyuhuna aanu codayn.

Xeerkan oo lagu Maamulayo Diwaanealinta Codbixiyeyaasha Doorashada iyo Diwaangelinta Madaniga ah ayaa ka mid ahaa qodobada muhiimka ah ee ka dhinaa diyaar-garowga Doorashada lagu waddo inay Somaliland ka dhacdo Sanadka 2015-ka.

Berbera news/Hargeysa.