“Inaan Is-Casilay Waad Maqasheen, Xisbiga WADDANI-na Inaan Ku Biiray Waad Arkaysaan” Faadumo Siciid

Hargeysa (Berbera news) Xoghayihii hore ee Maaliyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu biirtay Xisbiga WADDANI.

Marwo Faadumo Siciid oo Mmaaanta Dalka ku soo laabatay, ka dib safar ay ugu maqnayd Dalka dibadiisa ayaa waxa Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegtay in Xukuumadda Siilaanyo ay ku guul-darasatay inay Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Qaadiyadda Somaliland ay gaadhsiin-kari weyday Beesha Caalamka gaar ahaan Urur Goboleeddka IGAD.

jj 29

Waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Inaan is casilay waad maqasheen, Xabisga WADDANI-na inaan ku soo biiray waad maqasheen oo waad arkaysaan.”

Faadumo Siciid oo hadlaysay Shir ay goob-joog ka ahayd oo uu qabtay Urur Goboleedka IGAD, waxay tidhi “IGAD waxay tidhi Horumar wey samaysay Somaliland, laakiin waa Waddan Somaliya hoos-yimadda, marka uu Wasiirkeenii Shirkaas dhex-fadhiyo maxaad u malaynaysaan miyaanay Mushkilad ahayn?.”

“Waxa weeyaan marka Mushkiladdaas oo is huursan ayaa Waddankeenii dibadiisa ka baxaya oo ka dhacaya, laakiin waxa guddaheena ka jira iyo waxaynu iskugu sheekaynaynaa waa Khiyaali aynu runta iskugu nimaaddno,” ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.

Berbera news/Hargeysa.