Kooxda Daacish Oo Qabatay Haweenay Yuhuudiyad Ah Oo U Dagaalameysay Kurdida

Hargeysa (Berbera news) Ururka ISIS ayaa barta ay ku leeyihiin Internetka ku shaacisay inay gacanta ku dhigeen Haweenay sidata Dhalashada Dalka Canada iyo Isra’iil, isla-markaana ku biirtay Kooxaha Kurdida ee la Dagaalamaya Daacish.
 
 
 
Haweenaydan oo lagu magacaabo Gill Rosenberg ayaa la sheegay inay tahay Haweenay Yuhuud ah oo haysata Dhalashada Isra’iil iyo waliba Canada, waana haweenaydii ugu horAysay oo reer Galbeed ah oo dalka Siiriya u tagto inay ku biirito Kooxaha Kurdida ee Dagaalka kula jira kooxda IS (ISIS).
 
 
Dowlada Canada ayaa sheegtay inay baadhitaan ku wado warka ay shaacisay kooxda ISIS.
 
 
Waxa jira tiro dad reer Galbeed ah oo u badan oo ka yimid Dalal ay ku jiraan Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska oo si toos ah ugu biiray Kooxaha Kurdida ee Dagaalka kula jira Kooxda ISIS.
 
 
Waa markii ugu horaysay oo Haweenay u soo Dagaal-tagtay Siiriya ay Gacanta ku dhigaan Kooxda ISIS.
 
 
Berbera news/Hargeysa.