Puntland Oo Shacabkeedda Ku Eedeeysay Inay Gacan Siiyaal Al-Shabaab

Garoowe (Berbera news) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Cumar Camay ayaa Shacabka ku dhaqan Deegaanadda Puntland ku eedeeyay inay qariyaan Kooxdda Al-Shabaab ee Dagaalka kula jira Maamulka Puntland.
 
 
Cabdixakiin Camey ayaa sheegay in Shakhsi ahaan uu la kulmay dad daba-socda xoogag uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu hayo Dembigii ay galeen iyo Qalabkii ay ku galeen, kuwaas oo ka dalbaday in loo sii daayo Caruurtooda oo ay sheegeen in aanay wax dambi ah lahayn.
 
 
“Puntland waxay Dagaal kula jirtaa Kooxda Al-Shabaab, waxaase la yaab leh inay Shacabku qarinayaan Xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ee dhibaatooyinka ka geysanaya Deegaannada Puntland.” ayuu yidhi Cabdixakiin Camey.
 
 
Madxweyne ku xigeenka Puntland waxa kale oo uu sheegay in markii ay Ciidanka Ammnigu qabtaan Koox Al-Shabab ka tirsan oo Guri deggen, lana weydiiyo Mulkiilaha Guriga inuu garanayay Raggan ayuu sheegaa in aanu garanayn, balse uu uga Kireeyay sidii Qof Guri doon ah.
 
 
“Mulkiilayaasha Guryaha waxa laga doonayaa inay iska-eegaan Qofka ay ka Kiraynayaan Gurigiisa, waayo waxay tani qayb ka tahay Sugidda Ammniga guud ee Puntland.” ayuu ugu baaqay Mr. Camey Shacabka ku nool Deegaannada Puntland.
Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay Maamul ahaan inay ka hortagaan Khatar walba oo kaga iman-karta Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay Koox ka shaqaynaysa ammni-darro ku soo korodha Deegaannada Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.
 
 
 
Maamulka Puntland ayaa tan iyo 2010-kii Dagaallo kula jiray Kooxo hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo Fadhiisimo ku lahaa Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, inkasta oo Maamulka Puntland uu dhawaan sheegay inay Ciidamadiisu la wareegeen Dhulka Buuraleyda ah.
 
 
 
Eedeyntan loo jeediyay Shacabka Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Masuul ka tirsan Maamulkaas uu u jeediyo Shacabka, iyada oo Al-Shabaab ay dhawr-jeer Weerarro kala duwan ka geysatay Magaalooyinka waa-weyn ee Puntland, sida Magaalada Xaraunta ah ee Garoowe.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.