Rabshaddo Ka Dhacay Laascaanoodd Iyo Waxay Salka Ku Hayaan

Laasacaanod (Berbera news) Waxa Galabta ka dhacay Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Rabshaddo la sheegay inay ka dhasheen Weerar Koox hubaysani ay Xalay ku qaadeen Kaantaroolka Bari ee Magaaladda Laasacaanoodd, waxaana Weerarkaas ku Geeriyooday mid ka mid ah Askartii joogay Kaantaroolkaasi.
 
 
 
Dhallinyaro iyo Haween gadoodsan ayaa gudaha Magaaladda Laascaanoodd ka billaabay Mudaharaad ay ku kaga soo hor-jeedaan Dilka Askarigan, kuwaas oo Taayiro ku gubay badhtamaha Magaaladda, hase-yeeshee Ciidamadda Booliska ayaa riday Rasaas ay doonayeen inay kula-dareeriyaan Mudaharaaddayashan, iyadda oo ilaa Gelinkii dambe ee Maanta ay Rabshadduhu socdeen.
 
 
Rabshadahan ayaa ahaa kuwo aan muddo lagu arkin Magaaladda Laascaanood, iyadda oo Ciiddamo la dhigay Waddooyinka dhex-mara Magaaladda, waxaanay Wararku ay sheegeen inay Rabshaddihii joogasadeen, balse waxa la xayiray dhaq-dhaqaayadda Shacabkan si loo xakameeyo inay fidaan Rabshaddahani.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.