Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb-galay

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay Munaasibad loo qabtay Xuska maalinta Cudurka (HIV-AIDS-ka) oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, taas oo maanta laga xusay Adduunka.

Munaasibadan loo qabtay Xuskan ayaa ka soo qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Masuuliyiinta Komishanka xakamaynta AIDS-ka iyo Marti-sharaf kale.

20141201_095220

Madaxweyne ku xigeenka oo Munaasibadaasi Khubad ka hadlaysa dhibaatadda uu leeyahay Cudurkani ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Maanta idiin haynaa war farxad leh, kaas oo sheegaya in Dawadii la odhan jiray A.R.T ee lagu Daweeyo Cudurkan ay karti u leedahay inay ilaa xad baabiiso Cudurkan,taas oo ka dhigaysa in Qof kasta oo qaata ay adag-tahay in Cudurkan laga helo, iyada oo suurto-galinaysa in Qofku iskaga difaaco Cudurada kale. Maalintan ku astaysan in Adduunyadu isku Xasuusiso Aafada Cudurkan. Waxa Somaliland ka go’an la dagaalanka Cudurkan Aafada ku ah Adduunka.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sheegtay in Dadwadda dheeraysa xiliga Qofku la noolaado Xanuukan ay ku caawiyaan hay’addaha Somaliland ka taageera arrimaha Caafimaadka, waxaanay tidhi “Dawada loo qaato Xanuunkan 95% waxay heleen Caawimo oo ma faafin karaan Xanuunka .waxa loo baahan-yahay Ururada ku hawlan Wacyi-gelinta HIV/AIDS inay Bulshada ku Wacyi-galiyaan in dadka xanuunka la nool ee wali qarsanayaa ay tagaan goobaha dawada laga qaato oo ILAAHAY-baa wadka hayee uu riiq dheeraan karo oo Bulshada uga mid noqon karo.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Komishanka xakamaynta AIDS-ka Cabdi Cali Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada Xuskan aynu iskugu nimid wuxuu daaran yahay laba arimood oo kala ah in Dadka fayow laga Wacyi-galiyo Cudurka oo laga hor-tago iyo in la xasuusto Dadka Xanuunka la nool si loo dhawro Xuquuqdoodda,kuwaas oo iskugu jira kuwa is og inay Xanuunka la nool yihiin iyo kuwa aan is ogayn” ayuu yidhi Guddoomiyuhu isagoo tilmaamay in cabirka la hayo ee Cudurkani yahay in Boqolkiiba hal qof uu haleelay dadka Somaliland (1%).

Berbera news/Hargeysa.