Wasiirka Arrimaha Guddaha Iyo Taliyaha Booliska Kenya Oo Lagu Qanciyay Inay Is-casilaan

Nairobi (Berberanews) Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku iyo Taliyaha Booliiska Kenya David Kimaiyo ayaa lagu wadaa inay iska casilaan Xilalkooda, kaddib weerarro soo noq-noqday oo ay Al-Shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Sunday Nation ayaa lagu sheegay Saraakiil ka tirsan la-Taliyeyaasha Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ay cadaadis ku saarayaan Madaxweynaha inay shaqooyinka laga eryo Wasiirka arrimaha gudaha Kenya iyo Taliyaha Booliiska.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dalka Kenya uu ku sameyn doono isku-shaandhayn hay’adaha Ammaanka Dalkaas, taas oo la sheegay inay qayb ka tahay sidii loo adkayn lahaa Ammaanka dalkaas inta aan la gaadhin Fasaxa Kirismiska.

Ma jiraan ilo kale oo Xukuumadda ka tirsan oo arrintan xaqiijinaya iyo kuwo diiddan intaba, inkasta oo ilo ku dhow-dhow Mr. Kenyatta oo is-qariyay ay xuseen inay dhici-karto in Madaxweynuhu uu isbedel weyn ku sameeyo hay’adaha ku shaqada leh Amniga Kenya.

“Shacabka Kenya ayaa doonaya in Madaxweynuhu uu isbedel ku sameeyo dhammaan hay’adaha Amniga Dalkaas, isla markaana uu muhiimad gaar ah siiyo Amniga,” ayaa laga soo xigtay ilaha ku dhow Kenyatta.

Mudaaharaadayaal Kenyan ah ayaa dhawaan Madaxweynaha dalkaas weydiistay inuu Shaqooyinka ka eryo Taliyaha Booliiska Kenya iyo Wasiirka waddankaasi u qaabilsan arrimaha gudaha iyo amniga, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay wax ka qaban-waayeen Amniga gudaha Kenya.

Walaaca ammaanka gudaha Kenya ayaa sare u sii kacay kaddib markii ay Al-Shabaab kordhisay weerarrada ay ku qaadayso deegaanno ka tirsan dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ku dhow xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.Ole_Lenku_&_David_Kimaiyo

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay 28-qof oo aan muslim ahayn ku dishay deegaan ku dhow degmada Mandheera ee Gobolka Waqooy-bari EE Dalka Kenya, kuwaas oo ka mid ahaa Rakaabka Bas ku socday Magaalada Nairobi.

Warbixinta Sunday Nation ayaa sheegaysa in Saraakiisha Sirdoonka ay wargaliyaan Booliiska inta badan Weerarradii ay Al-Shabaab ka geysanaysay Gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo Magaalooyin kale oo dalkaas ka tirsan.

Kooxaha Bulshada Rayidka ah ayaa iyagana la sheegay inay cadaadis cusub ku saabsan in Madaxweynuhu isbedel ku sameeyo haya’daha Ammaanka ay ku hayaan, iyada oo

War qoraal ah oo si wadajir ah uga soo saareen ay kaga dalbadeen Madaxweynaha inuu isbedel sameeyo.

“Xukuumaddu waa inay waajib Dastuuri ah samayso si loo ilaaliyo Shacabka Kenya,” ayay yidhaahdeen Ururrada Bulshada Rayidka Kenya, iyaga oo intaas ku daray. “Xukuumadda waa inay wax ka qabato Xubnaha Guuldarraystay.”

Si kastaba ha ahaatee lama oga xilliga ay Lenku iyo Kimanyio ay xilalka iska casilayaan, iyada oo arrintan ay tahay mid si aad ah looga hadla hayo maanta oo Isniin ah gudaha Dalka Kenya.

Berbera news/ Hargeysa.