Kenya: Deraasiin dad ah oo dhegta dhiiga loo daray

BBC-Ugu yaraan 36 ruux ayaa la sheegayaa in lagu dilay meel dhagax laga qodo oo ku dhawa magaalada Mandera, woqooyi-bari Kenya.

Sida wararka ay sheegayaa dadkan ayaa la weeraray xalay saqdii dhexe iyagoo dhexjiifay teendhooyiin, goobtii ay dhagaxa ka qodayeen.

kkk
Toddobaad ka hor ayaa waddada ka soo baxda Mandera waxaa lagu dilay 28 ruux oo aan Soomaali ahayn oo ku safrayay bus ku sii jeeday caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtaya weerarkaasi, iyagoo sheegay inay Kenya kaga aargudanayeen dilka dadkaasi.
Hogaamiyayaasha Muslimiinta ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu dilay 28 qof inuu ahaa mid aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka.