Madaxweynaha Kenya Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Arrimaha Guddaha Iyo Taliyihii Booliska Oo Is-casilay

Nairobi (Berbera news) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Joseph Ole Lenku, iyada oo xilka uu sidoo kale xilkii iska-casilay taliyihii booliiska Kenya Jen. David Kimaiyo, Kenyattana uu sheegay inuu is-casilaadda ka aqbalay.
 
 
 
Joseph O Lenku ayaa lagu bedelay Wasiir cusub, kaasoo lagu magacaabo, Joseph Nkaissery kaas oo uu Madaxweynuhu ku sheegay inuu ka shaqayn-doono, inkasta oo aanay jirin Taliye lagu bedelay taliyihii booliiska Kimaiyo.
 
 
 
Hadal uu madaxweynaha Kenya u jeediyay shacabka dalkiisa ayuu xusay in shacabka ay og-yihiin in Al-shabaab ay doonayso inay diinta u adeegsadaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka dalkan ku nool ee Muslimka iyo masiixiyiinta ah.
 
 
“Diinta muslimka waa mid nabadeed, mana ahan sida ay Al-shabaab doonayso inay u isticmaasho. Weerarkan waa mid innaga oo dhan nagu wajahan, waana inaan u midownaa dagaalka lagula jiro argagaxisada,” ayuu ku yidhi Uhuru Kenyatta khudbaddiisa.
 
 
Sidoo kale  Kenyatta wuxuu ku boorriyay hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee dalka Kenya, waxgaradka deegaannada ay dilalku ka dhaceen iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka ah inay qayb ka qaataan sugidda amniga Kenya iyo sidii looga hortegi lahaa weerarrada ay Al-shabaab kusoo qaadayso Kenya.
 
 
 
Al-shabaab ayaa sheegatay toogasho iyo gowrac muddo laba todobaad ah ku dishay 65-qof oo dhammaantood ahaa dad aan muslim ahayn, kuwaasoo ay 64-ka mid ah ku dishay duleedka Mandheera halka qofka kalena ay ku dishay xalay degmada Wajeer oo labaduba ka tirsan gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.
 
 
 
Is-casilaadda taliyaha booliiska Kenya, Jen. David Kimaiyo iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa yimid xilli ay maalmo ka hor dalbadeen ururrada bulshada rayidka ah ee Kenya in isbedel lagu sameeyo hay’adaha amniga Kenya, balse Kenyatta ma sheegin sababta uu u bedelay wasiirkiisii arrimaha gudaha iyo amniga.
 
Berbera news/Hargeysa.