Al-Shabaab Oo Ku Hanjabtay Inay Sii Waddayaan Dagaalka Ay Kula Jiraan Kenya

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali-heere) oo Shir Jaraa’id ku qabtay goobaha ay maamusho Al-Shabaab ayaa sheegay in Dagaalka kula jiraan Dawladda Kenya aanu joogsanayn, illaa Kenya ay Nabadgeliso Dadka Muslimiinta ah ee ay dhibaatada ku hayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
 
 
 
Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkiisa raaciyay in is-casilaadda Taliyihii Booliiska Kenya Jen. David Kimaiyo iyo Xil ka qaadistii Wasiirkii arrimaha guddaha iyo amniga Kenya Joseph Ole Lenku aanay waxba ka bedeleyn dagaalka ay kula jiraan Xukuumadda Kenya, ayna ka go’an tahay in Kenya ay dhibaatooyinka ku hayso dadka muslimiinta ah inay sii wadaan.
 
 
 
 
Waxaanu yidhi “Xukuumadda Kenya dhowr jeer ayaan u tilmaannay halaagga ay ku hayso, balse way iska dhego-tirtay, waxayna ku dhiirratay inay dadka muslimka ah dhibaateyso, haddii ay ahaan lahayd naftooda, maalkooda iyo muqadaaska ay ku cibaadeystaan. Taasina waxay keentay inaan go’aan qaadanno, kaas oo ah inaan ka aarsanno, intii ay muslimiinta u dhintayna aan u geysanno,” ayuu yidhi Afhayeenka Al-Shabaab.
 
 
 
Isaga oo hadalkiisa sii wata Cali-dheera waxa uu yidhi “Xitaa haddii uu is-casilo Uhuru Kenyatta oo Siyaasadda Kenyana ay sideedii tahay, waxaan leenahay waxba iska bedeli maayo dagaalka iyo hadafka mujaahidiinta. Balse waxaan dadka reer Kenya leeyahay iyo hoggaankoodaba danta iyo maslaxaddiinna waxay ku jirtaa inay nabad-galaan dadka muslimiinta ah oo diintooda, hantidooda, natooda, muqadaaskooda iyo dalkooda aad faraha ka qaaddaan.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.