“Dawladdan Halkan Joogtaa Ma Rabto Inay Cid La Xaajoodaan, Gudoomiyaha Guurtidu Waxa Uu Si Cad U Yidhi Cali Khaliif Looma Baahna” Fu’aad Aadan Cadde

Hargeysa (Berbera news) La Taliyaha Madaxweynaha ee Goboladda Bariga Fu’aad Aadan Cadde , islamarkaana ka soo jeeda Gobolada Bariga Somaliland, ayaa Sheegay in Bulshadiisa dalka looga qorsheeyay 0.2%, isagoo walaac ka muujiyay Saamiga Bulshadaasi ku leedahay Somaliland. Waxa uu sidoo kale Xukumadda ku eedeeyay inaanay rabin in wada hadal lagu afjaro khilaafaadka siyaasiga ah ee Bariga Somaliland.
 
 
 
 
“Maalin dhawayd ayaanu dalka xisaabinay,dalka oo dhan waxa aanu ku leenahay 0.2%.Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay cid noogama shaqayso,hay’addaha madaxa banana ee dawladda qofna kuma lihin,wasaaraddaha waaweyn sida wasaaradda daakhiliga cidi nooma joogto, madaxtooyada hal qof iyo habari toona noogama joogto”
 
 
 
Fu’aad Aadan Cadde, ayaa masuuliyiinta ay isku degaanka yihiin ee Somaliland jooga ku eedeeyay kuwo dantooda raacday oo aan wakiilo ka ahayn dadka degaanada Bari ee Somaliland “Dadkaygiina kuwii halkan joogay waxba may garan, oo kuwa xildhibaanada ah iyo wasiirada ahi dantooda ha raacdeen.Qabiilkaygiina wuu kala lumay oo maaliba waxa jira qofka,qayska,qaranka iyo qabiilka calankoodu dhulka yaalo”
 
 
 
Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidoo kale ka jawaabay hadal dhawaan Gudoomiyaha guurtida Somaliland ku sheegay inaan Somaliland wax wada hadal ah la galayn Cali Khaliif “ Cali Khaliif Waxa uu si cad u yidhi Puntland marna la hadlimayno, lakiin Somaliland waanu la hadlaynaa, si cad ayaa loo diiday, oo Dawladdan halkan joogtaa ma rabto inay cid la xaajoodaan,balse waxay ahy rabtaa marba inay qof u yeedhaan. Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu si cad u yidhi Cali Khaliif looma baahna, waxa laga baqayaa in Cali Khaliif yimaado isagoo Dhulbahante wata oo markaas yidhaahda 23 sanno ayaa xaqaygii cunayseen ee maxaad ka damacdeen, qaybtayadii na siiya”
 
 
 
 
Mudane Fu’aad aadan Cadde, waxa uu tilmaamay in Bulshada uu ka soo jeedaa kala luntay islamarkaana badh ka tirsan yahay Puntland, badhna Somalia, qaybana yihiin Khaatumo, halka qaybna Somaliland tahay. Waxa uu sheegay inaan Siyaasiyiinta halkan joogta ee Bulshadaasi dan ka lahayn Bulshadooda islamarkaana wakiilo u ahayn.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa
Source Geeska Afrika.