Guddoomiye Ku Xigeenkii 4-aad Ee Xisbiga WADDANI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Berbera) Guddoomiye ku xigeenka afaraad ee Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI Milgo Maxamed Cilmi, Da’uud Foocade iyo Hinda Xasan Idirs oo ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa Maanta ay Ciidamadda Boolisku xidheen.
 
 
 
Xubnahan ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa la sheegay inuu Xadhigoodu salka ku hayo ka dib Baabuur ay wateen oo uu xaga damba ka muuqaday Astaanta Calanka Xisbiga WADDANI, kuwaas oo marayay Waddada hor-marta Xarunta Madaxtooyadda, waxaanay arrintaasi keentay in Xabsiga loo taxaabo.
 
 
 
Masuuliyiintan ayaa ku xidhan Saldhiga dhexe ee Booliska Magaaladda Hargeysa lamana garanayo ilaa hadda sababta dhabta ah ee dhalisay in la xidho, hase-yeeshee Wararku waxay sheegeen in Xubnahan oo maraya Wadda hor-marta Madaxtooyadda uu Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Boolisku uu joojiyay Baabuur ay wateen oo uu xaga damba kaga dhegsanaa Astaanta Calanka Xisbiga WADDANI, ka dibna uu Askar kale u dalbaddan, waxaanay arrintaasi dhalisay in la xidho.
 
 
 
Xubnahan la xidhay ayaa ka mid ah Guddi qab-qaabo oo ka tirsan Xisbiga WADDANI oo ka shaqaynayay Munaasibad uu beri loo qabanayo Taageerayaal ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo ku biiraya Xisbiga WADDANI.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.