Laanta Socdaalka Oo Ka Hadashay Ganacsade Yemeni Ah Oo Eedo U Jeediyay

Hargeysa (Berbera news) Taliye ku xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu u jeediyay Nin Ganacsade ah oo ka soo jeedda Dalka Yemen.
 
 
 
Taliye ku xigeenka Laanta Socdaalka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Ninkan Yemeniga ahi uu ku kacay arrimo hanjabaad ah oo khal-khal geliyay Nidaamka Dawladnimada Somaliland, waxaanu xusay in uu xiligaasi Xabsiga u taxaabay.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Laba Maalmood ka hor ayay halkan igu yimaadeen Ninkan Yemeniga ah iyo Koox ay wadda socdaan, ka dibna markii aan Su’aalo weydiiyay wuxuu igu yidhi Dawlad-ba ma tihidin Lacag-baan sitaa. Dawladiinana waan Qalbi karaa, Ninkaas Maalintaas waan xidhay arrinkaas awgeed hase-yeeshee Cidii ka Masuulka ahayd waxa uu soo qoray Qoraal ah in Waddanka laga saaro maadaama oo uu ku kacay arrimahaas ku kacay oo Waddanka uu ku hayo khal-khal amaan”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.