Warbixin: Fadeexadd Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Xubno Wasiiro Ahi Ay Kala Kulmeen Xuskii Naafadda + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Munaasibad lagu xusayay Maalinta Naafadda Adduunka ayaa Maanta lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Ururadda ay ku midoobeen Naafadda Somaliland.
Img Description
Khudbaddihii ay Madaxweyne ku xigeenka iyo Masuuliyiintii ku wehelinaysay Xuskan ay ka jeediyeen Munaasibaddan ayaa waxa aan ku qancin Dadkii Naafada ahaa ku sugnaa Goobtaasi, kuwaas oo Baaskiiladdihii ay wateen ka dagay oo Maddasha ka kaga tiiraabay weedho ay ku durayeen Khudbaddihii Masuuliyiinta, waxaanay arrintaasi dhalisay in Qaar ka md ah Naafaddii iyo Dadkii kale ee ku sugnaa Munaasibadaasi ay ka dareeraan
Img Description
Cabashadda ay qabeen Dadkan Nnaafadda ah ayaa dhalisay in aanay Munaasibaddu u socon sidii logo tallo-galay, balse Ciidmadda Ilaaladda Madaxweyne ku xigeenka iyo Dad kale oo goobtaasi ku sugnaa ayaa isku dayay inay dejiyaan, hase-yeeshee u maaro-waayay inay dejiyaan.
Img Description
Qaar ka mid ah Dadkii Naafadda ahaa ee ku sugnaa Xuskaasi ayaa ku dhawaaqay Erayo ay ka mid ahaayeen” Anagu haddaanu nahay Naafadda uma baahnin In naloo Ooyo, uma baahnin in lalo Sacabo-tumo, laakiin waxan u baahanahay in wax naloo qabto.W axaanu codsanaynaa aniga in inta Naafada ah ee halkan fadhida iyo inta maqan in nalo sameeyo Wasaarada Naafada Iyo Agoonta”
Img Description
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxyaabo muuqdda aan u qaban Dadka Naafadda ah ee ku dhaqan Somaliland, iyadda oo Xuskan kii ka horeeyay uu Madaxweyne Siilaanyo kala qayb-galay, kuwaas oo loo qaybiyay Baaskiiladdo ay u heleen hab Nasiib ah, iyadda oo qaarkood-na ay hore cabasho ka tirsadeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan, kuwaas oo sheegay in uu kaga baxay Balan-qaad uu hore ugu qaaday oo ah inuu u balan-qaaday Baskiiladdo.
Img Description
Img DescriptionImg DescriptionImg Description
 
 
Berbera news/Hargeysa.