Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadlay Sababta Loo Aasaasay Ciiddanka OPU

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in aanu jirin xasilooni-darro ay Mandaqada Geeska Afrika ku keenayaan Ciiddanka Ilaalinta Shidaalka baadhista ee OPU (Oil Protection Unit).
 
 
 
 
Wasiir Waran-cadde oo Maanta Khubad ka jeediyay Kulan lagaga hadlayay sidii loo soo-saari lahaa Khayraadka Dallka oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa
 
 
Wasiirka oo sharaxaya sababaha loo aasaasay Ciiddankan, waxa uu yidhi “Ciidanka OPU (Oil Protection Unit) waxay hoos-yimaddaan Wasaaradda Arrimaha guddaha, waxaany ka tirsan-yihiin Ciidanka Booliska, Ciidammadda hoos-yimadda Wasaaradda aan Madaxda ka ahay waxa ka mid ah Ciidankan OPU oo aan hadda ka hadlayo, STU, SPU, CID, RRU, Laanta Socdaalka iyo Ciiddanka Ilaalada Xeebaha. Waxa Ciiddamaddan ka baxsan Ciiddanka Qaranka ee balaadhan”
 
 
 
Wasiirka Arrimaha guddaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Ciiddankan waxa laga soo xulay Booliska Somaliland iyo Ciiddanka Qaranka, loona tababaray si Carsi ah oo ah Qofkii Ajnabiga ah ee inoo yimaada ama Dadka ka socda Shirkaddaha Shidaalka qodaya Naftooadda inuu bad-baadin karo haddii meelaha qaarkood la isku taago” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudduhu.
 
 
Ciidamadan ayaa hore aasaaskooda looga baahiyay Warar salka ku hayo walaac Amni-darro, hase-yeeshee Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland ayaa arrintaasi jawaab ka bixisay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.