Xaaska Hoggaamiyaha Daacish Iyo Gabadh Uu Dhalay Oo Lagu Xidhay Dalka Lubnan

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Lubnaan ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen xaaska iyo gabadh uu dhalay hoggaamiyaha kooxda ISIS  Abuubakar Al-Baqdaadi, kuwaas oo sagaal casho ka hor kasoo galay dalkooda dhanka soohdinta ay la wadaagaan Suuriya.
 
 
 
Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Saja Al-Dulaymi ayay saraakiisha amniga ee amniga Lubnaan u sheegeen warbaahinta. Iyadoo sidoo kale ay sheegeen saraakiil amni oo Lubnaaniyiin ah in qabashada haweeneydan ay gacan ka siiyeen sirdoon shisheeye ah.
 
 
Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhabar-jab ku noqonayso hoggaamiyaha kooxda Daacish, iyadoo loo adeegsan karo sii daynteeda in kooxdiisu ay sii dayso maxaabiis u dhashay dalalka Ciraaq, Suuriya iyo kuwo, kuwaasoo ay ku hayaan xabsiyo ay maamulaan.
 
 
Mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga dalka Lubanaan ayaa sheegay in xaaska Al-Baqdaadi ay la socotay gabar yar oo ay dhashay, inkastoo lagu sheegay markii hore ilmahan yar inuu wiil yahay. Iyadoo sarkaalku uu xusay in dheecaanka gabadha oo la baaray lagu ogaaday inuu dhalay Al-Baqdaadi.
 
 
 
“Xaaska Al-Baqdaadi iyo gabadhiisa waxaa lagu qabtay waqooyiga Lubnaan, haatanna waxaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunt wasaaradda difacaa,” ayuu yidhi sarkaalka u hadlay hay’adaha amniga Lubnaan.
 
 
 
Saja Dulaymi ayaa ka mid ahayd 150-haween ah oo bishii May ee sanadkan ay dowladda Suuriya kasii daysay xabsi, kaddib markii lagu bedeshay dad ay ISIS maxaabiis ahaan u haysatay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 13 sooro.
 
 
Hoggaamiyaha kooxda Daacish, Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu qabo saddex haween ah, kuwaasoo laba ka mid ah ay dalka Ciraaq u dhasheen, halka midda kalena ay tahay Suuriyaan.
 
 
Illaa hadda ma jirto wax hadal ah oo ay kooxdu kasoo saartay qabashada ay qabteen ciidamada Lubnaan mid ka mid ah xaasaska Sheekh Al-Baqdaadi iyo gabadha uu dhalay.
 
 
Dowladda Washington ayaa hore u dul-dhigtay hoggaamiyaha kooxdan IS Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi lacag dhan 10-milyan oo doollar, taasoo ay ku doonayso xogo la xiriira halka uu ku sugan yahay ama in lasoo qabto, iyadoo la sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay, Ibraahim Cawad Ibraahim Ali Al-Badri Al-Samarai.
 
 
 
Si kastaba ha ahaatee,kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa gacanta ku haysa deegaanno dalalkaas ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo xuduudo la leh dalka Lubnaan oo ay daris yihiin Suuriya.
 
 
Berbera news/Hargeysa.