Xisbiga UCID Oo Xukumadda Ku Eedeeyay Xadhig Kula Kacday Hoggaanka Ururka JIIDALI

Hargeysa (Berbera news) Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay sifo sharci daro ah xabsiga ugu hayso Dhalinyaro muddo ku xidhan Hargeysa. Dhalinyaradan ayaa ah Hogaanka Ururka dhalinyarada ee JIIDALI.
 
 
 
War qoraal ah oo ka soo baxay Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in cid-kasta oo ka soo horjeedsata Siyaasadda Xukumadda iyo Xisbiga KULMIYE tacadiyo loo gaysanayo “Maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii badanaya tacadiyadda, cadaadiska iyo xad-gudubyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ee ay ku kacayso xukuumadda taladda haysa. Xukuumaddan oo cid kasta oo ay ku tuhunto in aanay raacsanayn ama Taageersaneyn Xisbigga Kulmiye u taxaabaysa jeelka” ayaa lagu yidhi Warka Ucid.
 
 
 
 
Qoraalka Xisbiga UCID oo uu ku saxeexnaa Xogyaha Warfaafinta ee X Yuusuf Keyse Cabdillaahi ayaa lagu ayaa u dhignaa sidan:-
 
“Anagu Xisbi ahaan waxaanu aaminsan nahay in dawladdu ay xidhi karto dadka haddii loo maro sifo sharciga waafaqsan, laakiin xadhigyaddan ku waajahan dhalinyaraddu waa qaar siyaasadaysan oo lagu cabudhinaayo fikrika dhalinyaradda. Iyagoo ka dheregsan shacabka Somaliland”.
 
 
Ucid waxa uu Xukumadda ugu baaqay in Dhalinyaradaasi Xorriyadooda loo soo celiyo UCID waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in si deg-deg ah xoriyadooddii ugu soo celiso oo ay u sii dayso hogaanka iyo xubnaha ururka dhalinyaradda ee JIIDALI, Isla markaana ay ka deyso cabudhinta saxaafadda madaxa banaan iyadoo imika xadhiggii ugu dartay canshuuro dheeraad ah oo micnahooda guudi uu yahay CABUDHIN. Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa in ay ku mashquulto danta qaranka Somaliland ee loo doortay, dhalinyaraddana u raadiso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa oo loo yarayn lahaa tahriibta ragaadisay dhalinyaradeenii”
 
 
 
Ku dhawaad bil ayuu xidhan yahay Gudoomiyaha JIIDALI Cabdiraxman Xasan Aadan, halka Xoghayaha ururka JIIDALI Faysal Cumar Madar iyo Cabdi Bedel Cumar, Maxamed Cabdikariim oo iyaguna ka mid ahaa hogaanka ururka JIIDALI ay xidhan yihiin todobaado ka dib markii laga qabtay Hotelka Crown oo ay ku lahaayeen kulan ay ku cambaaraynayeen Gudoomiyahooda oo xidhnaa.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.