Guddoomiyaha Waddani oo raalligelin u diray Marwada koowaad ee Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo caado ka dhigatay cabbudhinta Saxaafadda xorta ah, Xisbiyada Siyaasadda, gaar ahaan Xubnaha Xisbiga WADDANI oo ay Xabsiyada ku gurtay, inkasta oo uu xusay inuu raalli-gelin ka bixinayo hadallo loo jeediyey Marwada Madaxweynaha oo uu sheegay inay Habar-yartiis tahay.

Haddaba, Khdubadda Dheer ee Guddoomiye Cirro ka jeediyey Xafladdaas maanta Xisbigu Crawn Huteel ee magaalada Hargeysa uu ugu qabtay Taageerayaasha ku biiray uu ka jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-