Komishanka Maamul Wanaagga oo Waqti u Qabtay Wax-ka-qabashada Maamul-xumada iyo Musuqa Somaliland

Hargeysa (Berberanews) Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland, ayaa shaaciyey dabagal ay wax kaga qabanayaan maamul-xumada iyo musuqmaasuqa ka jira hay’ado ka mid ah dawladda, kaas oo waqti kooban lagu soo bandhigi doono natiijadiisa.

Agaasimaha guud ee Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Mr. Xasan Cumar Hoorri, ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah gudahooda komishanka uu madaxda ka yahay oo kaashanaya xafiisyo ay ugu horreyso Madaxtooyadu ay baadhitaan ku samayn doonaan wasaarad iyo hay’ad kasta oo dawladda ka mid ah si ay xiddidada ugu saaraan cabashooyin maamul oo uu sheegay inay gudaha xafiisyada ka jiraan.

IMG_2299

“Komishanka Maamul-wanaagga iyo hay’adda Shaqaalaha dawladda oo iskaashanaya in aannu hawshan galno, maanta laga bilaabana waxaan ku rajoweynahay muddada saddex bilood ee inagu soo socda wasaarad iyo hay’ad walbana in aannu gacangelinno oo sida Madaxweynaha iyo sharcigu na fareen dhaliilaha faraha badan ee dalkeenna ka jira ee dhinacyada maamul iyo musuqmaasuq ah in aannu wax ka qabanno, waxaannuna wax ka qaban karnaa annagoo wadajirna, sidoo kalena waxaannu la kaashanynaa oo gacanwayn ka rabnaa xafiiska Madaxweynaha iyo Wasaaradda Madaxtooyada, waxaannuna adeegsan doonaa Xeer-ilaaliyaha guud, Garyaqaanka guud, Xisaabiyaha guud oo na taageeri doona. Markaa waxaan ku rajoweynahay in gad-daloolooyinka la sheegay ee dhinaca ruuxiga ah (gudaha) in aannu wax ka qabanno.

Maanta waxa la gaadhay waqtigii Komishanka Maamul-wanaaggu soo bandhigi lahaa ciddii waxqabatay oo tubtii dalku hore ugu mari lahaa ku taaggan in aannu sheegno, Madaxweynahana ka codsanno inuu abaalmariyo, waxa kale oo la gaadhay xilligii ciddii wax hallaysay ee qaranku xilkuu u igmadayna ka gaabisay in aannu gudbinno oo tallaabo laga qaado,” ayuu yidhi Mr. Hoorri oo hadal ka jeediyey kulan hordhac u ah tababbaro xidhiidh ah oo Komishanka Maamul-wanaaggu ku barayo shaqaalaha wasaaradaha iyo hay’adda dawladda habka xidhiidhka wadashaqaynta xafiisyada oo lagu qabtay huteelka Summer Time ee Hargeysa shalay.

Waxa kale oo Agaasime Hoorri waxa uu sheegay in qiimayn ay ku sameeyeen nidaamka maamul-wanaagga hay’adaha dawladda ay uga soo baxday habacsanaan iyo shaqo-xumo ka dhexjirta wadashaqaynta xafiisyada, taasi oo dib-u-dhac ku keenaysa hawlaha adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaannu yidhi, “Kormeerada aannu xafiisyada ku soo marnay ilaa gobollada dalka oo dhan waxaannu aragnay in baahiwayni ka jirto sidii xafiisyadu u wada xidhiidhi lahaayeen, oo warqad cidi soo gudbisay meel fadhiisanayno oo aan halkii laga qaadayn, waxaannu markaa doonaynaa in aynu baranno oo nidaam u yeelano sida xafiisyada u wada xidhiidhaan, si warqaddaasi u noqoto mid meeshii loogu talogalay gaadha oo ka tagta raad, kuna kaydsan meel la yaqaanno.

Komishanka Maamul-wanaagga iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladdu markii ay arkeen baahida wayn ee dalku u qabo in wadajir ahaan loogu shaqeeyo, kadib markii aannu aragnay god-daloolooyinka ka jira sharciga ee dhinaca shaqada oo hay’aduhu isku qabsadaan shaqooyinka, waxaannu garanay si wadajir ah iyo si joogto ah in aannu ugu wadashaqayno, taasi oo aannu rabno wasaaradaha iyo hay’adaha kalena inay nagaga daydaan.”

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mr. Ibarrhim Xaaji Nuur oo isna madashaasi ka hadlay, ayaa qiray inay gudaha xafiisyada dalwaddu kala daadsanyihiin, sidii loo toosin lahaana iminka bilaabeen, “Runtii xukuumaddan uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aad ayey dushii uga dhistay dalka, waxoogaa ayaad moodaa maamulkii hoose inuu kala yar daadsanyahay, kuwaana Komishanka Maamul-wanaagga iyo hay’adda Shaqaalaha oo u shaqo leh in wixii qalloocan ay toosiyaan, waanuna ku ballanqaadaynaa in aannu ku dhaqaaqno oo toosinno,” ayuu yidhi Mr. Ibraahim Xaaji Nuur.

Dhinaca kale, tababarkan oo muddo hal maalin ah soconayey loona qabtay 30 xubnood oo ka kala socday 21 wasaaradood iyo 5 hay’adaha madaxbannaan ee dawladda ka mid ah, waxa duruus la xidhiidha nidaamka wanaagsan ee wada xidhiidhka xafiisyada halkaasi ku siiyey Agaasimaha ka-hortagga musuqa ee Komishanka Maamul-wanaagga Muuse Cabdillaahi Muxumed oo si faahfaahsan ugu bandhigay muhiimada xidhiidhka xafiisyada, kaalinta uu waxqabadka iyo horumarka ka qaato iyo dariiqyada loo xoojiyo wadashaqaynta xidhiidhka xafiisyada.