Baaq Cambaarayn ah xadhigga Hoggaanka Jiidali

KU: MADAXWEYNAHA J. SOMALILAND MD. Axmed Maxamed Maxamuud

Og: Madaxweyne-Ku-xigeenka Md. Cabdiraxman Cabdillahi Ismaaciil
”   : Guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud
”   : Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi
”   : Guddomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Xuseen
”   : Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Muuse Biixi Cabdi
”   : Wasiirka Arrimaha Gudaha. Md. Cali Maxamed Warancade
 
 
UJEEDO:CANBAARAYN XADHIGA HOGGAANKA URURKA DHALINYARADA JIIDALI
 
Innaga oo ka shidaal-qaadanayna xeerka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 faqradaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20;
 
Innaga oo ka duulayna Axdiga Xuquuqda Aadamaha iyo dadyowga ee Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12; iyo sidoo kale:
 
Innagoo tixraacayna Axdiga Xuquuda Aadamaha ee Midowga Yurub ee dhaqan galay 1.6.2010, gaar ahaa qodobada 3,5, 6-faqradaha1,2,3 xarfaha a,b,c,d & e, qodobka 7 faqradaha 1 & 2; qodobka 9 faqradaha 1&2; qodobka 10 faqradaha 1&2; qodobka 11 faqradaha 1& 2;
 
innaga si gaar ah u qaderinayna sida uu qeexayo Distoorka Jamjuuriyadda Somaliland, Cutub Seddexaad qodobada 21-36 ee tilmaamaya Xuquuda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taabtaanka ah.
 
Dhammaan qodobada kor ku xusan ee uu kow ka yahay Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Axdiga Xuquuqda Aadamaha iyo Dadyowga ee Midowga Afrika, Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub, iyo qodobada 21-36 ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad qeexayaan xisaanada iyo xuquuda Bani-aadamka. Xuquuda Aadamaha aya u qaybsan laba qaybood oo kale ah:
 
1- Mid Ilaahay aadamaha gaar u siiyey sid noolaansha, xornimada, nabadgelya shakhsiga
2- Qayb ka dhalatay horumarka iyo ilbaxnimada aadamuhu horseeda sida:
 
  • Xoriyadda hadalka
  • Cabdiridda Xoriyadda fikirka 
  • Xoiriyadda dhaqdhaqaaqa
  • Xoriyadda Caqiida ama diinta
  • Xoriyadda ka mid noqoshada ururada siyaasadeed, ganacsi, aqooneed, xirfadeed iwm
  • Xoriyadda ka qabgalka ururada horumarinta bulshada
  • Xoriyadda cod-bixinta oo shakhsiga la doorankaro isna wax dooran karo.
 
Waxa kale oo dhammaan xeerarka an kor sheegay si aan madmadow iyo mala awaal mid ku jirin uga digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga iyo shuruucda wadamada haddii aan maxkamad sharci horteeda shakhsiga lagu caddayhn fal-dambiyeed uu ciqaab ku mutaysto.
 
Sidaa marka xaalku yahay waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga; in ay xaaraan maqdac ah tahay in aan awood dowladeed, mid ciidan, iyo tu kaletoona qofna xoriyadiisa looga xayuubin karin, xabsina loogu ridi karin urur dhalinyardo ama mid bulsho ayaad ka mid tahay ama madax ka tahay.
 
Waxa xukuumadda cod dheer loogu sheegaya in ay dhalinyarada Ururka JIIDALI oo qarkood mudo bil ku dhow xidhanyihiin qaarna todobaad xidhanyihiin in dhammaantood xoriyadooda loo soo celiyo maadaama aanay qaranka ka gelin dembi maxkamadi ku caddaysay. Hadday dhalinyaradu adeegsadeed magac goob odeygay ka soo farcameen ku aasanyahay ma suurtii yowmal qiyaamaha ayaa la afuufay; ma cirkii iyo dhulkiiba adimay; miyaan la ogeyn in dhaliyarada maantu tahay hantida ummaddu beri badhaadhe iyo barwaaqo sooran lagu higsado; maskaxda iyo muruqa dhalinyardo waa keyd ummadeed e ha laga dhowro dhibaatada.
 
Sharciyadda iyo kala dambeyna hadday xukuumaddu dhowri weydo wixii ka dhasha iyada ayaa masuuliyadeeda dhabarka u ridandoonta. Sida xukuumadda talada haysaa jejceshayay cidna laguma sandulayn karo inta ay wax ka aragto ummadduna indho la’aan ugu jiibiso.
Xadhiga, cagojuglaynta iyo ciidamadan RRU ee sida foosha-xun loo adeegsanayaa taageero iyo kalsooni midna shicbka lagaga helimaayo hadday qoraxda Ilaahay berito Galbeed ka soo baxdo. Faa’iidada keli ah ee habdhaqankan guracani inoo horseedaa waa sumcadii, karaamadii, iyo sharaftii qaranka oo awaaraha la jiiday iyo bulshadii caalamka oo had iyo jeer canbaarayn inla daba joogta. Arrintaasina mid ummadda anfacaysa ma aha waxa ay soo koobtaa waa hadba cidda xilka ku amar-ku-taaglaeysa.
 
Dhegihii Allah waaniyaa weedha ka maqlee xaalkeenu waa wiglada inoo tuma
 
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
December 5, 2014.