Waa in Heshiisyada lala gelayo Shirkadaha Shidaalka Baarlamaanka laga ansixiyaa lana sameeyaa sharciyadii lagu maamuli lahaa

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadin kasta oo Somalilander ah udamaanad qaadayaa oo uu xaq u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garadnimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna uleeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku- talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run sheeg nahay oo ay  inaga dhab tahay in aynu dhab-dhabano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino   Dimuquraadigeena  dada’yar ee milanka iyo may dhanaanka noqdey ee silan ee sidkan  ee ay maanta ra-ranka  saartey xukuumadii loo doortey ee loo dirtey ee  gacanteeda lagu aaminey ee loo dhaariyey. Sub-xaana Allah!!.card inafidhinle
Mudane Wasiir ” Falaadhi gil-gilasho kaagama go’do ”  ee waxaa Shacabka reer SL kaaga fidhiyaan in aad Baarlamaanka soo mariso dhamaan heshiisyada tirade beelay ee aad la gashay Shirkadaha shidaalka sahamiya iyo kuwa macdanta gurtaba. waxaa lawada ogyahay in shirkadaha ay xukuumadu heshiisyadaa kula gashay daaha dabadiisa ay kor u dhaafeen ilaa iyo 10 shirkadood oo la siiyey sharci ama Lisan ay degaano ka mid ah SL ay shidaalka iyo macdanaha kaga  sahamin doonaan, waxaana ay shirkadahaasi ay dhulkii ugu daaqsinta wanaagsanaa degaanada SL ay u qaybsadeen Block by Block. Waxaa wasiirka macadantu uu ka dhawaajiyey in  ay ka soo xareeyeen shirkadahaa lacag gaadheysa ilaa iyo $ 4.5 Million doolar. taas oo ku dhacday ayuu yidhi wasaarada maaliyada.taana lama rumeysan karo ilaa baarlamaanka uu ka  ansixiyo oo ay markhaati unoqdaan.
Hadaba mudane wasiir waxaa shacabka reer SL ay indhahoodu ku fiiqan yihiin oo kaaga fadhiyaan qodobadan hoose:
1- Waa in shirkadaha shidaalka iyo macdanta sahamiyaa ay u dhaqan galaan si waafaqsan Dastuurka qaranka JSL qodobkiisa 53-aadoo caadka ka qaadey in la soo hordhigo Golaha Baarlamaanka si ay muraadkooda uga gutaan oo u ansixiyaan.
2- Waa in la dhameystiraa sharciyadii shidaalka iyo  gaasta ee la curiyey ka dibna Baarlamaanku ansixiyaa.
3- Waa in xukuumadu il gaar ah hoos ugu eegtaa khasaaraha ku iman kara Bay’ada ( environmental Crisis), sida daaqa, xoolaha , biyaha iyo dadkaba.
4-Ciidamada OPU-du dan uma aha xasiloonida guud ee amniga iyo nabadgelyada dalka sidaa daraadeed ,Waxaa reeban in Ciidankan OPU-da loo sameysato oo loo adeegsado dadkii dalka iyo degaankaa lahaa,
 Waxaa haboon in dadkaa la wacyi geliyo oo kor loo qaado garaadkooda  iyo garashadooda si ay iyagu u ilaashadaan dantooda ,degaankooda iyo duunyadoodaba.
5-Waa in aaney Ciidamadaasi ku weeteyn oo ku muquunin qori caaradii shacabka iyo xoolaha degaankaa alleh ku abuurey.maadaama dhulka shirkadaha u calaamadeysan uu aad u balaadhan yahay xoolahana aan laga oodi Karin.
6- Waxaa maanta aduunku ku wada fadhiyaa waa” sijaayad”  sidaa daraadeed waxaa iman karta in khasaaraha ay geystaan shirkadahaa iyo ciidamadaasiba in sharciga aduunka lala tiigsan karo si fudud , hadii aan si wada jir ah  salka loogu dhigin intaan ciidan la isu adeegsan.
  Gunaanad:Somaliland waa dal yar oo aan la ictiraafin, kaas oo ay bud-dhigeen dhamaan beelaha ay ku abtirsato , kuwaas oo ku heshiiyey in ay noqdaan dal iyo dad mideysan si ay wadankooda u dhistaan una wadaagaan anfaca, agabka iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka , sidaa daraadeed maadaama aaney wadanka manta ka jirin xilgusho wadareed loo dhan yahay oo ay go’aanka xukuumada iska gaadhaan koox yar oo ka carara xogta iyo xaqiiqda maanta dalka ka jirta , Marna laga yeeli maayo xukuumada in sharciga dalka la baalmaro oo la isu sameysto Ciidamo gaar ah, sharciyo gaar ah , shirkado gaar ah, ka dibna la isu gashado shaadhadh cas cas oo hantidii shacabka  lagu lunsanaayo..
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa Bilaahi Towfiiq
Qalinkii A/rahman fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED PD A
united Kingdom