Warbixin aanu idiinka diyaarinay Qaraxii ka dhacay Baydhabo

Baydhabo(Berberanews):- Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhintay 28 kalena way ku dhaawacmeen laba Qarax oo is-xigay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee Caasimadda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.

QARAX CULUS

Qaraxyada ayaa ahaa laba Qarax oo midka hore uu ahaa qof soo xidhay Jaakeed walxaha Qarxa ku xidhanyihiin, ayaa isku qarxiyay Makhaayad ku taal badhtamaha magaalada Baydhabo, iyadoo wax yar ka dib gaadhi kale oo waxyaabaha qarxa laga soo buux-dhaafiyey uu ku qarxiyay dibedda Makhaayaddaasi oo ka mid ahayd Makhaayadaha dadweynuhu isugu yimaaddaan.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 11 qof iyo dhaawuca ugu yaraan 28 Ruux oo kale, kuwaasoo dadka dhintay ay ku jiraan 2 Weriye, halka 3 Suxufi oo kalena dhaawaca ku jiraan sida uu Xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bay waxa uu intaas ku daray in dhaawaca iyo dhimashada ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Saraakiil dawladeed. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in baadhitaan xooggan ay wadaan Ciidammada Ammaanka iyo Hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh arrimaha Ammaanka.QARAX-CULUS-300x205

Tiro Suxufiyiin ah oo ka hawlgalayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya, ayaa qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen Qaraxyo ay Malleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay gelinkii dambe ee Jimcaha maanta magaaladaas.

Tirada Weriyeyaasha ka hawlgalayey Baydhabo ee Qaraxyadaa maanta ku dhintay waa laba Weriye, halka ay saddex Suxufi oo kalena ka tirsan yihiin dhaawaca 28 qof oo Siyaasiyiin, Rayid iyo Saraakiil dawladeed-ba isugu jira, sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow.

Allaah Naxariistiisa Janno haka waraabiyee Weriyeyaasha la dilay ee Qaryadaas maanta ku dhintay waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Axmed Mayow (Cabdiqaadir-Maynot) oo ka hawlgalayey Telefeshinka Somali Chenal oo uu u joogay ama uga warrami jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo Weriye kale oo aannaan weli magiciisa helin.

Sidoo kale, Saddexda Weriye ee dhaawacmay ee ka kala hawlgalayey Warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ee ay Baydhabo u joogeen, waxaana iyaga iyo 25 Ruux oo kale oo dhaawacmay oo Siyaasiyiin, Shicib iyo Saraakiil isugu jira oo lagu kala dawaynayo Cusbitaallada Ciidammada AMISOM iyo Cusbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Bishii May ee sanadkan 2014 ayay ahayd markii Qarax is-miidaamin ahaa isla Makhaayadda shalay la qarxiyey lala beegsaday, waxaana Al-shabaab oo sheegatay weerarkaas bishii May ay sheegeen inay bartilmaameedsanayeen Wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Maamul-goboleedkii lixda gobo lee Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Cabdifataax Geeseey, balse ma jirin wax khasaare ah oo kasoo gaadhay weerarkaas.

Hase-yeeshee, weerarkan Maanta oo lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ka dambaysay, ayaanay weli ka hadal kooxdaasi, waxaanu weerarkan Jimcihii maanta noqonayaa weerarkii labaad ee Qaraxyo ah ee ka dhaca magaalada Baydhabo intii lagu jiray sannadkan 2014-ka.