Afar Sanno Kadib Dardaarankii Rayaale Somaliland Dhul Ahaan Iyo Dad Ahaan Waa Sidee Taladda Siilaanyo?

Hargeysa  (Berbera news)  Wasiiro xukuumadda somaliland ka tirsan oo loo diray Gobolka Awdal ayaa weli ku sugan magaaladda Boorama, isla markaana duruufo siyaasadeed oo ka dhashay ka jawaabid la,aan tabashooyin bulshada deegaankaa madaxdooda dhaqanka hore uga soo yeedhay, ayaa dhaliyay dhawaaq gooni u goosadnimo oo ka soo yeedhay mid ka mid ah Salaadiinta deegaankaa.
 
 
 
Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo suldaan u ah mid ka mid ah beelaha ugu badan deegaankaa ayaa maalmihii tegay ku dhawaaqay in beeshiisa iyo guud ahaan beelaha samaroonba ka quusteen maamulka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, sidaa aawadeedna ay haatan u tashanayaan deegaanadooda dhisanayaana maamul u gaar ah. dhawaaqaa waxa lagu helay muuqaal laga soo duubay suldaankaa oo joogay meel hawd ah. inkastoo codkiisu u muuqdo mid keli ah, haddana, waxay wararku sheegayaan inuu hiil ka haysto dibadda iyo gudahaba. Waxa kale oo falanqaynta hadalkiisa loo dhigay dhafoor taabasho wax lagu fahamsiinayo xukuumadda oo jawaab lagu qanco ka bixin wayday tabashadii reer awdal. Taasoo gundhigeedu ahaa in dib loo eego wax wada lahaanshaha iyo saami qaybsiga awooda, taladda wadanka, shaqaalaha iyo khayraadka. Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda jawaab waafi kamuu bixin, talaaabo wax lagaga qabanayo dheeliga saami qaybsigana muu qaadin. Suldaanka dhawaaqay hadalkiisana waxa qayb ka ah, inuu sidaa yeelay kadib markii ay reer Awdal quus ka joogsadeen caddaalad iyo xaqsoor ay ka helaan xukuumadda taladda haysa.
 
 
 
Wararkii u dambeeyay ee xalay naga soo gaadhay deegaankaasina waxay tibaaxayaan, in guuxa iyo tabashada ay ka siman yihiin dadku, balse ay madaxda dhaqanka ee kale aanay xal u arag dhawaaqaa suldaankaa, kuna raacsanayn, balse aanay ka hadhayn helitaanka xuquuqda ay u arkaan inay ka maqan tahay. “dareenka dadku waa isku mid badi oo waxay qabaan in la duudsiyay, tabashadoodiina layska hilmaamay, laakiin xal looma arko dhawaaqa suldaankaa, inkastoo uu hiil dibadeed ku helay. Hase yeeshee baddi waxa loo arkaa in wadahadalku yahay furaha xalinta mushkiladan”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah aqoonyahanka deegaankaa oo ku sugan Boorama oo la hadlay wargeyska Ogaal.
 
 
 
Dhinaca kale wararku waxay sheegeen, in weftiga wasiiradda ahi ay caqabad kala kulmeen madaxda dhaqanka oo ka giigtay markii hore kulamadooda, balse ay markii dambe kulamo yeesheen. Hase yeeshee, salaadiinta deegaankaasi waxay wadajir ugu dhawaaqeen in la ilaaliyo nabada, cid wax u dhimaysana aanay ka ogolayn. Guuxan siyaasadeed ee galbeedka ka sokow,waxa weli loo caal la, yahay xaaladda bariga dalka. Inkastoo cali Khaliif ku dhawaaqay wada hadal dhab ah inuu diyaar u yahay, haddana waxa loo arkaa in xukuumadda Siilaanyo ay ku hafatay xalinta mashaakilka siyaasadeed ee gudaha, isla markaana aanay diyaar u ahayn.
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la wareegay dal iyo dad midaysan, hase yeeshee, waxa haatan laga dayrinayaa midnimadii umadda iyo dhulka, taasoo masuuliyadeeda iyo dhaliisheedaba loo aanaynayo xukuumadda Siilaanyo. “Axmed maanta nasiib wanaag ayay u tahay inuu dal dhisan oo nabad ah, oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan uu la wareegayo. Dad mid ah iyo dal mid ah Ayaan Axmadow kugu wareejinayaa”, weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen khudbadii xil wareejinta ee madaxweynihii hore Daahir Rayaale, markii uu talada ku wareejinayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.Hadaba, afar sanno kadib Somaliland ishay leedahay?
 
 
Berbera news/Hargeysa
Soure Ogaal.