Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Yeesho Astaamihii Hogaamineed Ee Nelson Mandela

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u soo jeediyay inuu yeesho Astaamihii Hoggaamineed ee Nelsan Mandela.
 
 
 
 
Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay Munaasibad uu Xisbiga UCID u qabtay Taageerayaal ku soo biiray waxa kale oo uu ka hadlay Rabshaddo Khamiistii Todobaadkii hore kadhacay Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku lahaa Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Madaxweyne waxaanu doonaynaa inaad noqoto Nelson Mandela ee ma doonayno inaad noqoto Robet Mogabe, dadkan lagugu tilmaamayo ee la leeyahay waxay odhanayaan Asxaabta soo shiida, Caadadaa waxaa lagu yaqaanay oo kaliya Robet Mogabe oo la odhan jiray wuxuu yidhaa Mucaaradka soo garaaca ee taa inaga daa Caadadeena iyo dhaqankeena may ahayne.in dad la abaabulo ay Asxaabta iyo qofka hadlaya ay shiidaan hore looma arki jirin, markaa waa caado ku soo korodhay dalkeena, waa caado xun”
 
 
 
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu leenahay Madaxweyne Arintaas ka hadal, waynu tartamaynaa maaha in dadka la tuurtuuro, anagana maalin dhawayd waa nala tuurtuuray laakiin, way noo naxariisteen anaga laakiin Waddani waa loo weheliyay oo umay naxariisan ee sixin bay u galeen baa la yidhi, waanuna ka tacsiyadaynaynaa Xisbigaa Mucaaradka ah fool xumadaas loo gaystay.waxaanu leenahay Caadadaas xun inaga joojiya walaalayaal.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.