Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhaariyay Xubnaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta Xarunta Madaxtooyadda ku dhaariyay Xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka, kuwaas oo dhamaadkii bishii hore ay Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen.
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xubnahan Guddida Doorashooyinka u rajeeyay in ALLE Xilka u fududeeyo,waxaanu yidhi “Aaad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee Illaahay Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
 
Todobadan Xubnoodd ee Guddida Doorashooyinka ayaa lagu wadda inay si rasmi ah Xilka ugala wareegaan Xubnihii hore oo arrimaha Doorashooyinka Somaliland soo maamulaya muddo 5 Sanadood ah.
 
 
Berbera news/Hargeysa.