Midowga Afrika Oo Madaxweynaha Somalia Ugu Baaqay In Uu 30 Maalmood Ku Soo Magacaabo Raysal-wasaare Cusub

Muqdisho (Berbera news) Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM danjire Maman S. Sidikou ayaa Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ugu baaqay in uu muddo 30 Maalmood guddahood ku soo magacaabo Raysal-wasaare cusub oo badeli-doona Cabdiweli Axmed Maxamed oo Shalay Baarlamaanku Kalsoonidii kala noqday.
 
 
Danjire Maman Sidikou ayaa xusay inuu sidoo kale soo dhaweynayo hadalladii ay jeediyeen Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysal-wasaarihii kalsoonida lagala noqday Cabdiweli Sheekh Axmed kaddib Go’aankii ay gaadheen Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia.
 
 
“Madaxweynaha Somalia waa inuu kusoo magacaabo 30 maalmood ee uu Baarlamaanku u qabtay inuu Raysal-wasaare kale kus oo magacaabo, waxaana kula taliyaa Madaxweynaha inuu kala tashado magacaabista Raysal-wasaaraha cusub inta ay arrintu khuseyso oo dhan,” ayuu yidhi Danjire Maman S. Sidikou.
 
 
Ugu dambey waxa uu sheegay Mr. Sidikou in Raysal-wasaaraha cusub uu howsha halkaas kas ii wado oo ay ku jiraan dalalka saaeynta nidaamka federaalka, dib u eegista iyo ansixinta dastuurka iyo in dalka la gaadhsiiyo doorasho 2016-ka.
 
Berbera news/Hargeysa.