Nicholas Key Oo Talloyin U Soo Jeediyay Madaxweynaha Somalia

Hareysa (Berbera news) Wakiil Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya hogaamiyana howl galka UNSOM Nicholas Key ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu garwaaqsaday shaqada ay qabteen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku dhameeyeen khilaafka dowladda iyagoo adeegsanaya codka kalsooni kala noqoashada ra’iisal wasaare Cabdiwali Sh. Axmed.
 
 
 
 
 
Advertisements
 
 
 
 
Nicholas Key wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro xili uu ubaahan yahay dhisme iyo dowlad israacsan hanatana howlaha dowladnimo, Key wuxuu madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud ugu Baaqay in uu soo magacaabo ra’iisal wasaare samata bixin kara dalka kana sii wadi kara shaqada goobta ay taalay.
 
 
 
Wuxuu ka hadlay xukuumada soo socota waxa laga doonaya masuuliyiinta dowlada, Key ayaa sheegay in dowladda la soo dhisayo laga doonayo mid lagu mideysan yahay aysan ka soo bixin khilaaf iyo kala aragti duwaano kala qaada howlaha dowladda u yaala.
 
 
 
Nicholas Key wuxuu Yiri “Soomaaliya waxay hadda u baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’adaheeda iyo madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga geystaan inay Soomaaliya gaarto horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hartay xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga wadaqaybgalo.”
 
 
 
 
Wuxuu sii raaciyey hadalkiisa “ Qaramada Midoobay waxaa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaarka, Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay in laga gudbo toddobaadyada soo socda. Waxaa muhim ah in haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha laga tira badanyahay la siiyo fursad ay kaalin buuxda kaga cayaaraan hanaankan iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee kale.”
 
 
 
Nicholas Key wakiilka QM Soomaaliya wuxuu inta uu khilaafka socday dhowr jeer guda galay xalinta khilaafka madaxda dalka isagoo doonayey in xalka uu noqdo mid dastuuri ah oo ka duwan qaabka ay mareen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa