Uhuru Kenyatta Oo Soo Dhaweeyay Dacawaddii Loo Haystay Ee Ay Laashay Maxkamadda ICC

Nairobi (Berbera news) Madaxweynaya dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si aad ah u soo dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Dambiyada ee ICC ku joojisay Dacwadihii Bani’aadanimo ee loo haysta, kuwaas oo loo waayay Markhaatiyaal ku filan.
Mr. Kenyatta ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aankan, isla-markaanka ka dagay hadda culays badan oo ay Dacwaddan ku haysay. Waxaanu xusay in tani ay caddayn u tahay in aanay wax dambi ah lahayn.
“Waxaan mar walba u sheegi jiray shacabka Kenya iyo kuwa caalamkaba in aanan wax lug ah ku lahayn eedaha la ii soo jeediyay, balse hadalkeygaas si dhab ah ayuu u rumoobay,” ayuu yidhi Kenyatta.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Mar kale Ayaan ku celinayaa inaan nadiif ka ahayn dhammaan eedeymaha la ii soo jeediyay, mana doonayo in aan intaas ka badan ka iraahdo arrintan.”
Uhuru Kenyatta ayaa war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dacwadan ay six un u dhaawacday Sumcadiisa iyo Masuuliyada uu u hayo Shacabka Kenya, isaga oo xusay in loo baahan-yahay in arrimahan oo kale si looga fiirsado, si aan Sharafta Qof Bani’aadam ah Dhaawac loogu gaysan.
Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Caalamka ICC ayaa sheegtay in aanay wax caddaymo ah oo ku filan u helin Dacwadda loo haystay Kenyatta, sidaa awgeed-na ay Go’aan ku gaadhay inay joojiso dacwadda, inkasta oo War-bixinta ICC lagu xusay inay dhici-karto in dib loo soo celiyo haddii caddaymo ku filan loo helo.
 
Mr. Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto ayaa loo haystay Sannadihii la soo dhaafay Dacwado Bani’aadamnimo oo la xidhiidha Dilka in ka badan 1,000 Qof oo Kenyaan ah iyo Barakicinta Kummannaan kale, ka dib Rabshado Dalkaas ka dhacay Sannadkii 2007, markaas oo lagu murmay Natiijada Doorashadii Madaxtinimo ee dalkaas.
Si kastaba ha haateen dhibanayaashii dadkooda lagu wax-yeelleeyay falkii ka dhacay Kenya ralli kama noqon doonaan Go’aanka ICC ay ku baabi’isay Dacwaddii loo haystay Kenyatta.
 
 
Berbera news/Hargeysa.