Wasiirka Duulista Oo Ku Fashilmay Inuu Ka Hadlo Maamulka Hawadda Ee Ay Somalia Sheegatay Inay La Wareegtay

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Duulista iyo hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaan weli ka hadlin Wararka soo baxay ee sheegaya in Maamulka sare ee hawadda ay si rasmi ah ula wareegtay, warkaasi oo ay baahiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.
 
 
 
 
Wadda-hadaladdii Somaliland iyo Somalia ay hore ugu yeesheen Dalka Turkiga ayaa laga soo-saaray Qodobo ka hadlaya arrimaha Muranka hawadda, iyadda oo Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirkas Somaliya Siciid Jaamac Qorsheen uu Dalka Canada ka sheegay in dhawaan ay si rasmi ah ula wareegayaan hawadda oo ay hadda maamusho hay’adda saadaasha hawadda u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee ICAO.
 
 
 
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadd ahaan aanay warkaasi ka maqlin dhinca Somaliya, isaga oo xusay in Wadda-hadaladda dambe ee ay yeelanayaan Somaliland iyo Somaliya lagaga wadda-hadli doono.
 
 
 
 
 Dhinaca kale Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Raymond Benjamin ayaa sheegay in hawadii Somalida ku wareejinayaan dhawaan Dawladda Somaliya ee Xasan Sheekh, waxaanu go’aankan Qaramada Midoobay si toos ah uga horimanayaa heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya Turkiga ku kala saxeexdeen ee khuseeyay dhinaca hawada.
 
 
 
 
Wasiir Maxamudu Xaashi Cabdi ayaa isagu hore u sheegay in ay Mawqif adag iska taagayaan, isla-markaana ay ku gor-gortamayaan sidii ay Somaliland hawadeedda u hanan-lahayd, balse ilaa hadda kamuu hadlin Wararkan soo baxay ee sheegay in Maamulka hawadda ay Somaliya la wareegtay, kaas oo u muuqadda inuu ku fashilmay sidii uu Maamulka hawadda ee ay xaqa u leeyahay Dalka Somaliland ugala gor-gortami lahaa Somaliya.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.