“Waxaynu Nahay Dal Doortay Dimuqraadiyad, Waxaan Rajaynayaa In Hawasha Guddida Doorashooyinku…” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay Masuuliyadda saran Guddida Doorashooyinka oo Maanta lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyadda, waxaanu ugu baaqay inay yeeshaan Kalsooni ay ku gutaan Masuuliyadda loo igmadday.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aaad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, Doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay Guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee ILAAHAY Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto.” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.