Xukuumadda Oo Ka Hadashay In Maamulkii Hawadda Ay Somalia La Wareegtay

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay warar Sheegay in Dawladda Somaliya ay la wareegtay Maamulka Hawadda Somaliland, kuwaas oo ay baahiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Somaliya.
 
 
 
 
Wasiirka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya hore uga wadda-gaadheen arrinta hawadda aanay wax iska badalin.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu ka wadda-hadalnay iyo waxa halkaasi ka soo baxay isma-laha oo Wasiiraddii Somaliya ee Shirka yimid ay sheegeen in labada Wasiir ee Duulista iyo hawadda Somaliland iyo Somaliya ay kulmaan oo ay ay iman doonaan, Shaqaddiina sidii hore loogu heshiiyay aanu u geli-doono. Wadda-haddladiina ay halkoodii taagan-yihiin. Waxay ila tahay in aanu sugno bisha January 15 ilaa 16 oo waxan laga sheegayo Warbaahinta in aynu sugno oo Xukuumaddii Somaliya dhacdayba oo runtii Wasiir ka mid ah Xukuumadda Somaliya kama hadlinba aanu sugno arrinkaasi sidii aanu uga wadd-hadli lahayn”
 
 
 
 
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in Somaliland waxa uu intaas ku daray “Anaga wey naga go’an tahay wixii lagu heshiiyay iyo waxaanu xaqa u leenahay sideedii loo maro, taas ayaanu isla garanayn oo ku heshiinay oo sidii hore ee aanu ugu heshiinay in wax loo qaybsado oo ah in Xafiisku uu Hargeysa ahaado, laakiin maadaama oo aan anagu lahayn Khubro hawadda ah in aanu u yeedhano ICAO iyaga (Somaliya) iyo labadda Wasiir ee Duulista Somaliland iyo Somaliya. INSHA ALLAH waxaanu filaynaa in arrinkaasi uu sidaasi ku dhamaado. Haddii wax cusubi ka soo baxaana waanu idin soo sheegi-doonaa, hase-yeeshee marnaba ha filanina in xaqayaga iyo wixii aanu ku heshiinay cidi na dudsiiso”.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa