“Xukuumaddu Sharcigii-bay Bur-burinaysaa, Si Ay Muddo Kordhin U Raadsato” Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyay inay farro-gelin ku hayso qaabka ay Guddida Doorashooyinku u dooranayaan Hoggaankoodda.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Komishankii Doorashada ee la ansixiyay laba todobaad ka hor waxay wali u cadilan yihiin Xukuumadda oo faro galin dheeraad ah ku haysa oo ku faro galinaysa inay doortaan Gudoomiyahooda, ku xigeenka iyo Afhayeenka iyo inay bilaabaan Shaqadooda.”
 
 
Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Maynaan arag Xukuumadd la yidhaahdo nabada ayay cadaw ku tahay, bari ilaa galbeed Xukumaddu waxay wadaa wax kasta oo abuuri kara khalkhal oo ay Bulshada iskaga horkeenayso, si ay ugu raadsato Muddo korodhsi. ” ayuu yidhi Cabdirashiid.
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Dalkani waxa uu ka dhintay Sharciga. Sharciyada dadkii aynu u dhiibanay iyo Xukumaddii burburinayso oo halkii ay ka ilaalin lahayd ugu talo gashay inay ku sarifto Lacagtii iyo Cashuurtii dadka laga Ururinayay.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.